digg icon delicious icon

Qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkada Isgaarsiinta Golis oo abaal marin la gudoonsiiyay+SAWIRO

September 29, 2011   //     //   News

Boosaaso (AB):-Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa maanta oo khamiis ah taarikhduna tahay 29-kii  bishii September la gudoonsiiyey  shahaadooyin iyo abaal marin lacageed ka dib markii ay ku muuteysteen abaal marintaas hawl-kar nimo iyo dhabar adayg ay muujiyeen intii ay shaqada ku guda jireen.

Shaqaalahaas ayaa abaal marinta lagu gudoonsiiyey kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen dhammaan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha shirkadda, Ayadoo madashaas shirka  ay goob joog ka ahaayeen maareeyaha guud ee shirkadda  Golis Telecom somalia  Aadam sheekhdoon Cali iyo ku-xigeenka maareeyaha shirkadda Siciid Aadam Axmed ,Madaxa hawl galada shirkadda Cabdulaahi Cali Cumar , hogaanka horumarinta gobolada C/risaaq Aw Cali iyo hogaanka ganacsiga Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq).

Shirkaas ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay maamulaha  shaqada iyo shaqaalaha ee shirkadda Golis Telecom Somalia Cabdulaahi Cabdi Shabeele wuxuuna yiri: “ shirkadda Golis Telecom Somalia had iyo jeer waxay jeceshahay in ay abaal mariso shaqaalaha u shaqeeya si ay u laba jibaaraan dadaalkooda.”
Maamulaha shaqada iyo shaqaalaha ayaa sidoo kale sheegay in dhamman wax qabadka shaqaalaha shirkadda uu sareeyo oo ay maamul ahaan aad ugu qanacsanyihiin hawl-kar nimada shaqaalaha shirkadda guud ahaan.

Shaqaalaha la abaal mariyey ayaa ah shaqaale  laga soo xulay inta badan qaybaha ay shirkaddu ka koobantahay  ka dib markii qiimeeyn iyo dabagal lagu sameeyey waxqabadkooda waa sida uu sheegay maamulaha shaqada iyo shaqaalaha , waxayna kala yihiin:

1- Axmed Cali Maxamed {waaxda Mashaariicda}
2- Cawil Xasan Cabdulaahi {Qaybta qancinta Macaamiisha}
3- Cabdullahi Maxamuud Galayr  {Qaybta gaadiidka iyo Matoorada}
4- Maxamed Jaamac Maxamed { waaxda xisaabaadka}
5- Maxamuud Xirsi Shire {waaxda Sales-ka}
6- Salaad Maxamed Xasan {waaxda hogaanka gobolada}

Gunaanadkii shirka ayaa waxaa kalmad ka soo jeediyey goobta shirka lagu qabtey  mareeyaha guud ee shirkadda Golis Telecom Somalia  Mudane/ Aadam sheekhdoon Cali.

Maareeyaha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay horumarka ay shirkaduu gaareyso mar kasta asagoo isla markaa sheegay in loo baahanyahay in meeshaas laga sii wado adeega  iyo shaqada loo hayo bulshada soomaaliyeed ee ku nool gobolada Puntland Somalia.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay shirkaddu abaal mariso shaqaalaha ka shaqeeya shirkadda waxaa sidoo kale jirtay in horay loo abaal marin jiray shaqaalaha shirkadda oo ay ugu danbeysay abaal marintii la siiyey qaar kaloo ka mid ah shaqaalaha 30-kii bishii June 2011.

Xigasho: Xafiiska Xiriirka Dadweeynaha Ee shirkadda Golis Telecom Somalia.

Readers Comments (0)