digg icon delicious icon

Qaar ka mid ah Shirkadaha Xawilaadaha ay Sooomaalidu ku lahaayeen Dalka Suudaan oo albaabada la isugu laabay.

May 31, 2010   //     //   News

Khartum (AB):-Wararka ka imaanaya Magaalada Qartuum ee Dalka Suudaan ayaa sheegaya in ciidamada Dalkaasi ay maanta albaabada isugu laabeen Qaar ka mid ah Xafiisyada Shirkadaha Xawilaadaha Soomaalidu ku lahaayeen Xarunta Suudaan.

Sababta loo xiray Shirkadaha Xawilaadaha ayay ku sheegeen Boliiska Magaalada Qartuum inay tahay markii shirkadahaasi ay ku xadgudbeen shuruucda bangiada Dalkaasi u degsan gaar ahaan qodobada 13-aad,19aad iyo 29-aad kuwaasoo qeexaya xeerarka ay ku shaqeeyaanbangiyada ku yaal dalka Suudaan.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu eedeeyay inay shirkadaha Soomaalidu ku xagdbeen ayaa lagu sheegay inay tahay ka dib markii ay direen lacago Doolar ah oo aysan ruqsad u haysan.

Shirkadaha la xirey oo kala ah Iftin,Amal iyo Kaah ayaa dhamaantood waxy hoostagaan lagua magacaabo Al-Caruus taasoo Dalka Suudaan laga leeyahay.

Lama yaqaa sida ay shirkadahaani isku furdaamin doonaan madaama ay intabadanshirkadahaasi ay ku tiirsan yihiin areyda Soomaaliyeed ee wax ku barata dalkaasi oo lacago ehaladoodu ugu diraan iyo sidoo kale kuwa ka xamaasha dalkaasi oo iyagana Soomaaliya lacago u soo dirsada.

Mas’uuliyiinta kala duwan ee shirkadahaani madaxda ka ah ayaan wali wax war ah ka soo saarin amarka Dowlada Suudaan ay ku xirtay shaqadii shirkadahaasi.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
diyeeshe15@hotmail.com

Readers Comments (0)