digg icon delicious icon

Qaramada Midoobey oo Malaayiin Doolar ugu deeqday barakacayaasha Puntland

February 28, 2011   //     //   News

Boosaaso (AB):-Kadib booqasho uu Magaalada Boosaaso ku yimid Mark Bowden oo ah Xirriryaha Bin’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayuu Madaxda puntland u sheegay inay QM malaayiin doolar ugu deeqday barakacayaasha ku dhaqan dhulka Puntland.

Mark Bowden waxaa uu tilmaamay inay ugu talo galeen lacagtaasi sidii wax loogu qaban lahaa barakacayaasha faraha badan ee soomaaliya qeybaheeda isaga kala yimid islamarkaana xeryaha ku leh degmooyinka Puntland sida Boosaaso oo kale.

shalay ayay ahayd markii Xirriryaha Bin’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Boosaaso isagoo kormeerna ku soo kala baxshay xeooyin ay ku dhaqnaayeen barakacayaal Soomaaliyeed,wuxuuna u kuur galay xaalada nololeed ee dadkaasi hada ku sugan yihiin.

Sidoo kale maanta ayaa lagu wadaa inuu booqdo degmooyin kale sida qarsho oo kale halkaasoo ay ku yaaliin xerooyin ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah iyadoo ay ku wehlinayaan booqashadaasna mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland oo lagu wado inay soo tusaan wafdigaasi xerooyinka barakacayaasha.

Mas’uuliyiintii wafdigaani soo dhaweysay kulamadana la qaatay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Gaadiidka Badda Eng.Siciid Maxamed Raag,Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire iyo mas’uuliyiin kale sida madaxda Goboka Bari .

Boosaaso-Bari
allburtinle.com

Readers Comments (0)