Qaramada Midoobey oo war ka soo saartay xukun Dil ah oo dhawaan Maamula Alshabaab uu ku fuliyay 2 haween ah.
October 30, 2010 // admin // NewsWakiilka Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay labo haween ah oo khamiistii lagu toogtay magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan marki Maamulka Xarakatu shabaabul Mujaahidiin ku soo eedeeyay inay basaasiin u ahaayeen ciidamada Itoobiya.
Augustine Mahiga waxaa uu sheegay in ay mustaqbalka la xisaabtami doonaan Maamulka Alshabaab isagoo xukunka dilka ahna ku tilmaamay mid shacabka lagu qal qalgeliyo.
Beesha Caalamka ayuu sheegay Augustine Mahiga inay aad uga xumaadeen xukunka lagu qaaday gabdho sida uu sheegay aan wali qaangaar ahayn.
Dowlada Mareykanka afhayeen u hadlay ayaa isna daboolka ka qaaday inay canbaareynayaan xukunka lagu qaaday gabdhaha Soomaalida ah ee magaalada Baladweyne lagu toogtay meel fageere ah maalinimadioi khasmiitii.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


