Qaranka Kubaga Cagta Soomaaliya oo 5-0 looga adkaaday+SAWIRO
November 17, 2011 // admin // News, SportsAdis ababa (AB):-Xulalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isaga horyimid lugta labaad kulamo loogu tartamayay is reeb reebka koobka aduunka ee sanadka 2014 waxaana guuldaro aad u xun la huwiyay xulka kubada cagta Soomaaliya.
Kulanka oo shalay galab ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ayaa ku soo dhamaatay 5-0 oo ay guushu ku raacday qaranka kubada cagta Itoobiya .
Ciyaarta qeybteeda hore 1-0 ayay ku dhamaatay iyadoo qeybta labaad ee ciyaarta 4 loogu daray qaranka Soomaaliya oo tabar daro aad u weyn ay ka muuqatay taasoo aan ahayn mid naxdin ku ahayd taageerayaasha Soomaalida meel kasta oo ay joogeen.
99% Soomaalida meel kasta oo ay kala socdaan qarankooda oo ciyaar la leh dal ka mid ah afrika waliba kuwa ugu liita rajada kaliya ee ay sugayaan waa in laga adkaado ciyaartoyda Soomaalida oo qaab aan fiicneyn lagu soo xulo taasoo ay u sii dheertahay dhaqaale la’aan iyo dalkii oo aan lahayn dowlad awood leh.
Si kasta taageerayaal Soomaali ah oo awalba ku sugnaa Magaalada adis ababa ayaa si weyn taageero ugu muujiyay ciyaartoyda Soomaalida iyadoo la arkayaya qaar calanka soomaaliya dhar ka dhigtay,kuwo calanka ruxayay iyo kuwo qeylinayay balse ugu danbeyn guul daro ayay la hoydeen.
Ciyaartaan tii ka horeysay oo ka dhacday dalka Jabuuti ayaa rajo aan hore u jirin ku abuurtay Soomaalida markii 0-0 ay ku soo dhamaatay inkastoo goolal laga diiday ciyaartoyda Itoobiya markii ay hobseed galeen.
Muqdisho-Somalia
allburtinle.com







