digg icon delicious icon

Qarax askar ay ku dhimatay oo ka dhacay Baladxawo

March 31, 2011   //     //   News

Balad-Xawo (AB):-wararka ka imaanaya Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkasi uu ka dhacaymanta qarax lala eegtay baabuur dagal oo ay wateen ciidamada Ururka Ahlu suna.

Wararka aan magaalada ka helnay ayaa sheegaya in ilaa 3 askari oo ahlu suna ka tirsan ay ku dhinteen qaraxasi kuwo kalana ku dhaawacmen.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala helay babuurka dagaal kaasoo isna uu waxoogaa bur bur ah soo gaaray waxaana markiiba soo garay halka mashaqadu ka dhacday ciidamo Ururka la weraray ka tirsan.

Qaraxa waxa loo maleynaya inay ka danbeeyen Xarakatu shabaabul Mujahidin kuwaasoo dagaalo kala horjeda Ciidamada Itoobiya,kuwa Dowlada iyo kuwa iyo Ururka Ahlu suna oo isku saf ka soo jeeda.

Sarkal u hadlay ururka Ahlu suna ayaa warbaahinta qar u sheegay inan khasaare badan soo gaarin balse waxa uu qirtay in baabuur dagal oo ay leeyihin qarax lala helay.

Qaraxa ayaa imaanay xili maalmo ka hor qarax sidaas oo kale ah uu ka dhacay Magaalada Luuq ee isla gobolka Gedo oo xalayna ay ku dagalamen dowlada iyo alshabaab.

Baladxawo-Gedo
alburtinle.com

Readers Comments (0)