News

Qarax ka dhacay Gaalkacyo oo lagu dilay Taliyihii Ciidanka isku dhafka iyo Saraakiil kale

Waxaa saaka abaarihii barqadii magaaladda Gaalkacyo qarax ismiidaamin ah lagu dilay taliyihii Ciidamadda Isku dhafka magaaladda Gaalkacyo Colonel Cabdi xukun xoreeye iyo saraakiil kale oo ka tirsanayd Ciidanka isku dhafka oo ka mid ahaa Colonel Cabdiqani axmed Gayre.

Qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida ay Hayir Media Agency u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Weerarka ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Jiira Kuwait, waxaana lala eegtay saraakiil ciidan.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay ALLAHA u naxariisteen Taliyihii ciidamada isku dhafka Milatariga gobolka Mudug Gaashaanle Sare Xoreeye.