Qarax Xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo
July 31, 2010 // admin // NewsKismaayo (AB):-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo gaar ahaan Xaafada Guulwade ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi uu ka dhacay qarax gaystay khasaare kala duwan.
Qaraxa oo ahaa Bam aan hore u qarxin ayaa waxaa uu ku qarxay caruur ku sugneyd xaafada Guulwade,waxaana inta la ogyahay u geeriyooday qaraxaasi hal cunug halka ay dhaawacyo soo gaareen 5 kale oo dhamaan ahaa caruur aadu yar yaraa.
dhamaan caruurtii dhaawax\cyadu ka soo gaareen ayaa la gaarsiiyay isbitaalada waxaana saxaafada la hadlaya gudoomiyaha Kismaayo Sheekh Xasan Yacquuub kaasoo tilmaamay in ciidamadoodu dhamaan xaafadaha kale ka baari doonaan bambooyin aan wali dhicin si aysan u soo laaban wxii xalay dhacay.
“way jirtaa in qarax xalay uu ka dhacay Xaafada Guulwade ee Kismaayo,caruurtii dhaawacantay waxaa iminka lagu dabiibayaa isbitaalada,anaga ka maamul ahaan dadaalo ayaan sameyn doonaa kuwaasoo aan kaga hortagi doono qaraxyada nuucaasi oo kale” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub
Maaha markii ugu horeysay oo Magaaladaasi Kismaayo iyo magaalooyinka kale ay ka dhacaan qaraxyo nuucaasi oo kale ah kuwaasoo ka dhasha bam aan hore u qarxin ama miino dhulka mudo ku aasneyn oo iyana aan qarxin islamarkaana ay caruurtu fara ka ciyaar kadib ku qaraxdo.
allburtinle.com


