Qaraxyo dhimasho badan sababay oo Saaka ka dhacay Waqooyiga Muqdisho iyo wadooyinka qaar oo u xiran miinooyin weli ku jira
November 28, 2011 // admin // News
Muqdisho (AB):-Waxaa kacsan wadooyin ka mid ah waqooyiga Muqdisho kadib qaraxy is xig xigay oo saaka ka dhacay isgoysyada 4-ta darjiino iyo Sanca halkaasoo ay ku dhinteen tiro dad ah oo askar dowlada ka tirsana ay ku jiraan.
Isgoyska Sanca waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 ruux oo 3 ay ahaayeen askar iyo 2 qofood kale halka dhaawucuna intaasi ka badan yahay markii qarax miino oo wadada la dhigay ay ku qaraxday ciidamo dowlada ka tirsan kuwaasoo isku dayay inay miinadaasi ka saaraan wadada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in miinada oo dadweynuhu ku arkeen laamiga qarkiisa inay ku wargeliyeen ciidamo ka tirsan Dowlada oo fariisin ku leh iskuulka Maxamuud Axmed Cali kadibna ay isku dayeen inay miinadaasi ka saaraan laamiga taasina ay soo dedejisay geerida 3 ka mid ah askartii isku dayaysay inay miinadaasi saaraan.
Sidoo kale qarax ayaa isla saaka daqiiqado kadib ka dhacay isgoyska 4-ta darjiino kaasoo isna wararka aan heleyno ay sheegayaan in 3 askari ay ku dhinteen iyo sidoo kale 2 shacab ah taasoo tirada guud ee askarta ka dhigeysa 6 askari oo saaka kaliya lagu dilay Muqdisho.
Dhanka kale qaraxyadaani saaka ayaa ku soo aadaya xili xalay qarax la sheegay inuu ka dhacay gudaha isbitaalka Banaadir gaar ahaan qeybta Caruurta taasoo aan wali si rasmi ah loo shaacin ujeedka qaaxaasi ka danbeeyay inkastoo ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo sida la sheegay ay ku jireen dadkii isbitaalka ku sugnaa.
Xaalada Waqooyiga Muqdisho ayaa saaka yara kacsan taasoo ay ka danbeysay markii wadooyin kale lagu arkay miinooyin iyadoo wadooyinkaasi ay ilaa duhuradaani wali u xiran yihiin ciidamada Dowlada si ay uga saaraan miinooyinkaasi.
Wadada isku xirta Isgoysyada saldhiga Yaaqshiid iyo ilaa isgoyska Towfiiq ayaa saaka waxaa loo xirey miinooyin la sheegay inay wadadaasi ku aasan yihiin waxaana ay baaburutu isticmaalayaan xaafadaha dhexdooda gaar ahaan baabuurta ka dhex shaqeynsa Isgoyska Fagax iyo suuqbacaad.
Muqdisho-Somalia
allburtinle.com


