Qoraalkii Todobaad laha ahaa iyo Sheikh Cabdulqaadir Dalmar Ahmiyada Ay shuruudu leedahay
January 6, 2012 // admin1 // Articles, Islam, NewsPuntlnadVoice Alle ayaa mahad oo dhan iskaleh,nabi Maxamed nabadgalyo iyo naxariis korkiisa hayeelo.Waxaa ku dayasho iyo raacid mudan nabiga(scw) wax yaalaha cadcad ee uu ku tarbiyeeyay asxaabtiisa intuusan dhisin dowladiisii(Madiina) iyo kadiba waa mabda’a wadatashiga,waxaa loogu magacdaray suurad quranka kamid ah,suurat “al-shuura”,arrinkan waa arrin loobaahanyahay markasta, noloshuna isaga la aantiis ma hagaagto.Shuuradu waa mabda islaami ah oo weyn oo aan lagu soo koobi Karin halkan, laakin waxaan tilmaamayaa waxuun
kamid ah.
Alle subxanahu watacaala waxa uu amray nabigiisa (scw) in uu la tashado asxaabtiisa, Alle wax uu ku amaanay muminiinta in ay wada tashadaan .Wada tashigu kuma koobna arrimaha siyaasadda iyo dawladda oo kaliya, ee arrimaha qoyska muslimka waa lagama maarmaan tusaalle markii hooyadu ay ka goynayso ilmaha naaska in ay ka wada tashtaan iyada iyo odeygeedu weeye. Sidoo kale, wada tashigu kuma koobna muslimiinta oo kaliya waxaan quranka kabarannay in Fircoon oo(fircoon ah) uu la tashtay dadkiisii kadib markii uu soo wajahay nabiyulaahi Muuse(cs), in uu yiri maxaad i amraysaan (فَمَاذَا تَأْمُرُونَ)([1]) .Haweenaydii xukuntay Yemen ee reer Saba waxay la tashatay xaashiyaddeedii(dadkeedii) ka dib markii nabiyulaahi Suleymaan (cs) uu fariin udiray (مَا كُنْتُ قَاطِعَةً أَمْراً حَتَّى تَشْهَدُونِ)([2])
Ma aan ahayn mid goosata arrinta ilaa aad goob joog tihiin ma’ ahee.
Qisatu yusuf(cs) waxaan iyana aragnay in ay walaalihiis dilkiisa ka tashdeen markii dambena mid ka mid ah uu yiri yaan laddilin ee ceelka ku tuura taladaas oo ka fiicnayd tii dilka.
Nabigeena (scw)aad ayuu ula tashan jiray asaxaabtiisa Abuu hureyra waxuu yiri ma arag qof ka tashi badnaa nabigeena (scw). Sidoo kale, khulafadii muslimiinta sida Abu bakar, Cumar, Cisman iyo Cali aad ayey ula tashan jireen muslimiinta.Haddaba maxaa ku habsaday ummada maanta oo ay uga hareen ummadihii kale ? Waa qofwalba oo iskiis u socda. Taasi waxay dhalisay burbur iyo halaag ku habsada ummada.Kelitalisnimadu waa go’aan mid naga mid ah uu gaarayo,ee aan lagala tashan dadka ehelka iyo waayo-aragnimada uleh islamka.
Qaar -keen markii ay arrin ku dhaqaaqaan kaligood, natiijada ka soobaxdana ay la fiicnaan waydo ayey bilaabaan latashiyo taasina ma aha wadatashi ee waxaa loobaahnaa inta aan waxba la sameyn in la isla tashado.Haddii qof ka maarmi lahaa wadatashiga waxaa ka maarmi lahaa nabigeena (scw).
Imaam Ibnu taymiyah waxuu leeyahay Alle waxa uu amray nabigiisa (scw) in uu latashado asaxaabtiisa haddaba qofkasta oo ka sokeeya nabiga (scw) waxaa ku haboon wadatashi.
(وَالَّذِينَ اسْتَجَابُوا لِرَبِّهِمْ وَأَقَامُوا الصَّلاةَ وَأَمْرُهُمْ شُورَى بَيْنَهُمْ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ)([3])
Dadkii rabigood raacay oo tukaday salaadda arrinkooduna noqday shuuro (wadatashi) dhexdooda ah , waxii aan ku irzaaqnayna wax kabaxshay.
Alle (sw) shuurada waxuu dhexdhigay salaadda iyo sakada taasi waxay ku tuseysaa weynaanta la weyneeyey wadatashiga gaar ahaan muslimiinta iyo hoggaankoodu in uusan isaga gabood falin talada ee loo baahanyahay rog-rogid iyo xog aruurin dhab ah.
Quraanka kariimka ah meelo badan ayuu Alle ugahadlay wadatashiga iyo ahmiyaddeeda waxaa ka mid ah suratul al-cimran,aayadda 159 (Naxariista Eebe darteed ayaad ujilicday haddaadse ahaan lahayd mid engagan oo qalbi adag way kaakala tagi lahaayeen hareertaada,ee iska cafi una dambi dhaaf warso kalana tasho amarka,markaas haddaad wax goosatana talo saaro Eebe(ku dhaqaaq) Eebe waxuu jecelyahay kuwa tala saartee )
Imaam Xassan al-Basri waxuu yiri, Alle(sw) talada toosan ayuu dadka wada tashada ku hagaajiyaa.
Sunnada nabiga(scw) waxay ku tusin in nabigu hadal iyo ficilba ku muujiyey wadatashiga,uuna latashaday saxaabadiisa dagaalkii badar,dagaalkii uxud,dagaalkii axzaab dagaaladii ka danbeeyey iyo kuwii kahoreeyey uuna oranjiray markasta oo arrini lasoogudboonaato “أشيروا علي أيها الناس”.
Saxaabadii nabiga iyo xaalkoodii shuuradu siduu ahaa
Sida lalasocdo markuu nabigu(scw) dhintay waxay bilaabeen asaxaabadu in ay katashdaan qofkii naqon lahaa khaliifada rasuulka waxay na udoorteen Abu-bakor, markiiba waxaa ridoobay carabtii reer miyiga in kamid ah,Abu-bakor waxuu latashday asaxaabtii oo uu kamid ahaa Cumar waxayna taladii ku soo aruurtay in lala dagaallamo.Cumar ayaa talada muslimiinta la wareegay saas ookale ayaa muslimintu waxgarad koodii uga tashdeen looguna dhiibay talada muslimiinta.waxay ka wadatashdeen dagaaladii reer Ruum iyo reer Faaris masaajidka dhexdiisa si cad oo muuqata,tusaaloyinku waa badanyahiin
Ujeedooyinka laga leeyaha wadatashiga waa xaq oo la helo:
- Wadatashigu haddii ikhlaas iyo Alla kacabsi laraaciyo waa cibaado loogu dhawaanayo Alle dartiis lagagan dalbayo Alle dambidhaaf iyo janno
- Waxaad ku baareysaa wadatashiga arrinta dulucdeeda iyo meesha xaqu uu jiro,Iimaamu Ibnu Jawsi waxuu leeyahay fawaa’ida shuurada ama wadatashiga waxaa kamid ah in arrin ay kugu cuslaato oo meelkale iyo dadkale aad kaheshid xalkeeda. Sidoo kale, Qataada waxa uu leeyahay Alle waxa uu amray nabigiisa in uu latashado asaxaabta isagoo waxyigu uu uimanayo taas oo ku tusaysa ahmiyada shuuradu leeday.
- Faa’iidada waxaa kamid ah in laga takhaluso kaligitalisnimada iyo fitanta ay keeni karto qolo iney meel mugdi aha isku xirto oo ay wax marooqsadaan.
Farqi weyn ayaa u dhaxeeya qof in uu go’aan isaga khuseeya uu qaato iyo go’aan ummadda oo dhan khuseeya.Haddii Alle uu yiri hooyadii iyo aabihii kawada tashada nuujinta ilmaha,annagoo og in hooyadu ay tahay tan kaliya ee nuujineysa bal kawarran ummad dhan waxii kadhaxeeya oo ah mustaqbalkeeda, hogaankeeda,masaajiddeeda iyo dowladnimadeeda in hal qof ama labo ay ku kaliyeystaan ?
- Waxaa fawaa’id kamid ah in xoogga muslimiinta la mideeyo lagana ilaaliyo tafaraaruqa iyo khilaafka,in si dhab ah loo xisaabtamo.
- In lahelo ama latababbaro dhalinta mustaqbalka si ay u ogaadaan talada iyo wadatashiga Sidaadaraadeed Cumar markii arrin lagatashanayo waxa uu ku soo darijiray dhalinta si ay u maqlaan dadka waa weyn ra’yigooda sidey barri u noqon la haayeen kuwa kala gooya garta.Waxuu in badan u yeeri jiray Ibnu cabaas oo ahaa wiil yar oo nabigu uu u duceeyay. Marka ay raggu wada tashanayaan waxaad ku kala baran cuquusha kala duwan ee ragga iyo musatwahooda .Qof ayaa ku fiican meel oo aan ku fiicnayn meel kale.
Qofku markuu ku dadaalo walaalihiisa kale in ay taladda la leeyihiin oo uu talada wax kasiiyo hadii ay ku guuleystaan waa sidii larrabey hadii kalana laisku dhaleecayn maayo sabatoo ah way kawada qaybgaleen arrintaas, haduuse kaligiis la gooni noqdo isaga ayaa ka masuul’ah aakhiro iyo aduunkaba.
|
وأكـثر من الشورى فإنك إن تصب |
|
تجد مادحا أو تخطئ الرأي تعذر |
Shuurada badi hadii aad ku guuleysatid waa lagu ammaanin, haddii aad gaftid talada waa laguu cudurdaarin.
Qofkii la tashada dadka waa isagoo caqligoodii la qaybsaday.Arrimaha aan soosheegay oo dhami waxay ku tusaysaa ahmiyadda ay leedahay shuuradu waana furaha guusha iyo khayrka.
Asbaabta keenta in aan lawadatashan:
Waxaa is weydiin mudan in dad badani aysan oggolayn wadatashiga maxaa ugu wacan?
Jawaabtu waa sahal waxaad arkeysaa arrimo badan oo ku kalifaya qofkaas in uusan latashan dadka kale oo walaalihiis ah waxaana lagayaabaa in qofi uu kulan sado sababahaas oo dhan iyo in uu qaar kamid ah wato. Waxaan halakan ku soo koobin dhowr arrimood oo ugu wacan in uusan qofku latashan walaalihiisa kale:
- Kibir iyo qofkoo is cajabgaliya,nabiguna (scw) “waxuu yiri kibirku waa xaqoo la diido iyo dadkoo laxaqiro” sidaas daraadeed qofka kibirsani latashan mayo dadka,
Fircoon ayaa ku lahaa qomkiisii
: (4) (مَا أُرِيكُمْ إِلَّا مَا أَرَى وَمَا أَهْدِيكُمْ إِلَّا سَبِيلَ الرَّشَادِ)
Idin tusin maayo waxaan fikradeydii ka ahayn,idinku hanuunin maayo waddatoosan waxaan ahanyn.
Marba hadii cudurkaas uu ku dhaco qofka lamatashado dadka,sidaas awgeed la tashi la’aantu waa dilaa weyn oo haliga qofka aakhiradiisa iyo aduunyadiisa
Nabigu (scw) waxuu yiri “jannada magalo qof qalbigiisa uu ku jiro wax yar oo kibira”. Allena ma jecla dadka kibirlowga ah
- Qofka oo jecel kaligi talisnimada iyo in uu wax koontaroolo: cilladani way ka gadisan tahay tii hore,qofku waxuu istusayaa in uu luminayo mansab ama jago hadii dadka uu latashado sidaas ayuu istusayaa in uu wax ku fara adeygo oo aysan gacantiisa kabixin taasina waxay sababeysaa dhib iyo foolxumo.
- Qofka oo dareemaya wadatashigu in uu yahay daciifnimo ama liidnimo sidaas ayuu u arkaa hadii uu latashado dadka ceeb iyo foolxumo.
Qofkaasi ha ogaado in rasuulku uu ahaa qofka ugu adag uguna geesisan waxyiguna uu u imaanayay haddana uu latashan jiray asaxaabtiisa oo ay kamid ahaa yeen haweenkiisu.
- Qofka oo aan isku kalsooneyn,kuna kalsooneyn dadka ka’ag dhow ama hareerihiisa jooga. Kuma kalsoona dadka sababtoo ah waxuu ka baqayaa in la toosiyo ama la dhaho odey arrintaas arrin soconeysa ma aha,
- Fududeysasho uu fududeysanayo dadka oo uu aaminsan yahay lagulama xisaabtami karo,qofina wax kaama qaadi karo.
- Degdesiiyo iyo fudeyd, waxay kamid yahiin wax yaalaha qofka u keena in uu diido talada iyo wadatashiga.
Nabiguna waxuu yiri(swc) “degdegsigu waxuu ka ahaadey sheydaanka”. Fudeydku iyo degdegnimadu waxay dhaxal siisaa ummada dhibaato iyo burbur ku yimaada dadka iyo duunyadaba.Imisa go’ aan oo dad tiro yari go’aansadeen ay nadhaxlsiisay dhib iyo sumcad xumo.Waxa uu ogaanayaa qofka caaqilka ahi in lawada leeyahay talada ee aysan ku talo xumaan koox yar.
- Shuurada oo aan buuxin shuruudaheedii Waa tan lamoodo in lawada tashanayo laakiin runtii aan shuuro ahayn, In qof aan waxba kala ogeyn aad ka dhigatid tira buuxsi oo uu san wax ra’yi ah kugu soo kordhin Karin,tala kasta oo aad keentidna kugu taageeraya haba khaldanaatee.
- Al-Hawaa way indhotirtaa dadka Alle na wuu ceebeeyey dadka ehlu ahwaaga ah meelo badan oo qurank ah ayaana lagu sheegay.
(وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنِ اتَّبَعَ هَوَاهُ بِغَيْرِ هُدىً مِنَ اللَّهِ) سـورة القصص Yaa ka baadinima badan mid raacay hawadiisa hanuun la’aan.
29- سورة غافرآية: 4
Tiirarrka shuurada
.
Qofka taldoonka ah.
Lataliyaha.
Arinta lagatashanayo.
Midkasta waxaa laggama maarmaan ah in la dhameystiro shuruudiisa iyo wax yaalaha asaasiga ah ee lagga rabo qofkasta oo arrin ka talinaya.
1.1 Talada qofka dalbanaya waxaa lagga rabaa in ay dhab katahay wax uu dalbanayo iyo li laahinimo.Sidoo kale uu raadinayo ajar Alle iyo in uu helo talada toosan.Waxaa suurta gal ah in qofi uu tallo ku weydiisto laakiin aysan dhab ka ahayn
1.2 Arrinta labaad waa in uusan qofkani go’aan uu san horey u- gaarin markaas uu isku qanciyo waan latashaday dadka .Sida maahmaah somaaliyeedi oraneysay “geel jiruhu geedka gudinta meesha uu uga dhufanayo isaga oo og ayuu ku weydiiyaa”
1.3 Waa in uu san dad gaar ah u dooran oo nacmle ah ama aan dhahaynin waxa waajibka ah ee oranya wax uu jecelyahay, arrintani way adagtahay in uu ka badbaado Taladoonku,maxaa yeelay naftu waxay jeceshahay in lamaqlo,waana necebtahay in lakhilaafo,Mana aha in uu doorto dad khilaafaya ee waa in uu doorto dad leh sifaadkii iyo aqoontii ku saabsaneyd muwduuca lagala talinayo,waan in uu noqdo qof oranaya kalimada xaq ah oo aan labaqaynin.Muhiim ma aha waan latashaday ee waxaa ka mu hiimsan yaad latashatay. dadka la latashanayo waa in aysan ahayn halkoox oo wata caqliyad kaliya ama isku fikir ah taas waxba masoo siyaadineyso.Sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in fikirku iyo mawaahibtu ay kala gadisantahay halkaas waxaa ka soobixi kara tallo toosan.
1.4 Waa in latixgaliyo hadba arrintu saytahay mar ayaa loobaahanayaa dad tiro yar marna tiro badan ,nabigu (scw) mar ayuu latashan jiray Abubaka iyo Cumar marna Ansaar kaliya marna Muhaajiriin marna dhamaan, marka hadba waa in la eego xaalku suu yahay.
1.5 In uu soobandhigo dhamaan dhinacyada kalagadisan ee ay leedahay arrinta lagala talinayo, taas oo laga yaabo qofka aad latashaneysid hadii uu san ogeyn mowduuca oo dhan ay dhici karto in uu kusiiyo talo kala dhiman markaas isagu danibi kuma leh sababtoo ah adigga ayaan sawir fiican aan kasiin arrinta.
- 2. lataliyaha:
Qofka noqonaya lataliyaha waa qof nooceeya? Adigoo eegaya baaxada iyo ahmiyadda ay leedahay arintaan waxaa lagama maarmaan ah in uu noqdo sidatan:
2.1 Waa in uu ku sifaysanyahay taqwada Alle iyo waracnimo, qof faasiq ah ama khayaanlow ah ma aha in la latashado,ama jaahil ah.
2.2 Cilmi ku aadan arrinta lagala tashanayo waa in uuleeyahay .Iimaamu bukhaari waxuu leeyahay waxay ahaayeen madaxdii ka danbeysay nabiga kuwo latashada dadka runta iyo aaminaada lagu yaqaan. Iimaamu bukhaari waxuu ku sheegay kitaabkiisa adabulmufrad “qofka xakiimka ah waa qof tajribo leh,cilmiga wanaagsan waa in aad heshid tajribo iyo talqii(practice and theory).
Latashiguna waa wax isweydiin Alle(SW) waxuu yiri :
(5) فَاسْأَلوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِنْ كُنْتُمْ لا تَعْلَمُونَ
((Su,aala dadka ehlu cilmigga ah hadii aydaan garaneynin))
Qisooyinka wanaagsan oo salafku nooga tageen waxaa kamid ah qisadii qaadi Shurayx. Qaadi Shureyx oo ahaa qaadi maxkamadeed ayaa wiilkiisa iyo nin isku maandhaafeen xoolo markaas ayaa wiilkii waxuu latashaday Aabihii Qaadi Shureyx oo uu ku yiri Aabe hadaan garta leeyahay waa hagaag hadii kale ii sheeg waan iska sasabayaa ninkan markaas ayuu yiri qaadigii aabihiis ahaa isugu keen keen maxkamada,goobtaas ayuu ninkii ugu xukumay arintii oo looga helay wilkiisii, wiilkii ayaa aabihii ku yiri maxaad iigu sheegi weyday markii aan kulatashaday markaas ayuu yiri waxaan ka baqay in aad xoolihiisa duudsiisid ninkan maskiinka ah .
2.3 Takhasus waa lagama maarman,hadii arrintu tahay ganacsi waxaa lagama maarman ah qof u leh takhasus ganacsiga,hadii ay diin tahay waa sidookale qof u leh diinta cilmi dheeraad ah iwm.lataliyaha waxaa waajib ku ah in uu qofka latashaday uu sirtiisa u xifdiyo.
- Arinta laga tashanayo:
3.1 Lagama tashankaro arrin loo hayo nasuus cadcad sida khamriga,khansiirka iwm,Imaamu Bukhari waxuu yiri waxy ahaa yeen hogaamiyaashii Nabiga kadanbeeyey kuwa latashada dadka ehlucilmiga ah arimaha mubaaxa ah sidey u qaataan tan ugu sahlan hadiise arrintu leeday nasuus cadcad ma aysan dhaafi jirin.
Gabagabo:
waxaa ku badatay mujtamaceena soomaliyeed qofkii meel hor jooga ka noqda in uusan dhag jalaq u siin intakale gaar ahaan haduu qofkaasu horjooge ka yahay arimah caamka ah ee la wadaleeyahay sida dowladnimada,dacwada,masaajidada iwm, taas oo dhibta ka dhalata ay saameyn doonto isagga iyo inta kaleba si isleg hadii qofkaasu ganacsi u gaar ah uu sameynayo waxuu latashanayaa inta uu isleeyahay way ku dhaamaan,waxaan meesha ka maqan wadatashigii,waxaan kor ku xusay wax yaabaha ku kalifaya qofkaas,waxaan filayaa hadii la siiyo mowduucaan ahmiyadiisa in laga gudbi lahaa dhibaato badan oo uu sababay qof ama labo nagamid ah.
Waaxan si gaar ah u xusayaa dhalinyarada khayrka jecel in ay la tashadaan culumadda waaweyn ee macruufka ah gaar ahaan culumada ku soo cireystay dacwadada iyo khayrka sannado badanna soowaday dhabar adeygna muujiyey.
Ugudabeyn waxaa alle ugabaryayaa janadiisa Dr. Nasir alcumar oo mawduucaan baac dheer ku leh qoraalka inta badan aan ka sooxigtay .
النحل:


