Ra’iisul-wasaare C/weli Gaas oo ka degay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar
November 28, 2011 // admin // News
Dooxa (AB):-Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qatar Sheikh Hamad Bin Jassim Bin Jabr Al-Thani.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa loo dhigay Kaarbet gaduudan gegida dayuuradaha ee Doha halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey. Ra’iisul Wasaaraha oo ay ku wahliyaan safirkiisa Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Jeylani Iikar iyo mas’uuliyiin kale ayaa lagu wadaa inuu kala hadlay mas’uuliyiinta dalka Qatar xiriirka labada dal, arrimaha abaaraha, dib-u-dhiska dalka iyo sidii Dowladda Qatar ay qeyb mug leh uga qaadan laheyd dadaalada fara badan ee ay Xukuumadda FKMG ah wado, sida dhaqangelinta Roadmap oo ay ugu horreeyaan arrimaha amniga, dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka si looga saaro dalka xilliga KMG ah oo loo helo dowlad rasmi ah.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Qatar iyo golihiisa Wasiirada, Amiirka Dalka Qatar, hay’adaha gar-gaarka, jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qatar iyo isagoo la hadli doona ardayda jaamicadaha dalka Qatar.
Xafiiska Ra’iisulwasaaraha
Muqdisho-Somalia


