digg icon delicious icon

Ra’iisul Wasaare Gaas oo ka jawaabay go’aankii Puntland ka qaadatay Dastuurka Puntland

May 12, 2012   //     //   News

Muqdisho(PV):-Ra’iisulwasaaraha Dowlada KMG ah Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay go’aankii ay dhawaan Puntland ka qaadatay dastuurka cusub ee Puntland.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in warka puntland ka soo baxay uusan waxba u dhimi Karin Geedi socodka Road Map-ka islamarkaana uu yahay fikirka puntland.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in qorshe hawleedka RoadMap-ka uu marayo meel wanaagsan, wuxuuuna intaasi ku daray in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay fulinta Road Map-ka.

“Puntland go’aanka ay qaadatay wuxuu la mid yahay midka dadku ka qabaan dastuurka”ayuu yiri C/weli Gaas

Sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inaan xilligan aan dastuurka loo qaadi karin afti dadweyne, balse loo qaadi doono markii la gaaro waqtigeeda, inta ka horreysana wax laga bedeli karo waxna lagu dari karo

Waxaa xusid mudan dhanka kale in Dowlada Puntland ayaa soo bandhigtay 36-qodob oo ku jira dastuurka cusub ee la doonayo in la ansixiyo sidaad daraadeedna ay tahay in la bedelo inta aan la ansixin.

Dhankale Madaxweynaha Puntland ayaa isagu ku taliyay in dalalka deriska midkood lagu qabto kulan lagu dhexdhexaadinayo TFG iyo Puntland si qodobda la isku hayo loo xaliyo.
Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)