News

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Wasiirka arrimaha dibada Dalka Norway


Ra’iisul wasaaraha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, isla markaana. Dawladda Norway uga wada shaqayn lahaayeen arrimaha amniga, koboca dhaqaalaha iyo horumarka.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siiyay xaaladda Dalka iyo qorshaha Xukuumaddiisa.

Ra’iisul wasaraha ayaa kulankan waxa ku weheliyay wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.