digg icon delicious icon

Ra'iisulwasaaraha Dowlada KMG ah oo asbuuc gudihiis Wasiir labaad u magacaabay Wasaarada Haweenka

July 27, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Ra’iisulwasaaraha Dowlada KMG ah C/wali Maxamed Cali ayaa asbuuc gudihiis mar kale magacaabay wasiirka haweenka iyo arimaha qoyska kadib qoraal xafiiskiisa ka soo baxay.

Ra’iisulwasaaraha ayaa wasiirka haweenka iyo arimaha qoyska waxaa uu u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Drs Maryan Aweys Juma taasoo la dhalatay wariye bbc-da ka tirsan oo lagu magacaabo Daa’uud Aweys.

Magacaabista wasiiradaani ayaa ka danbeysay markii dhawaan wasiiradii xilkaasi loo dhiibay ay gacanta ku dhigeen xarakada Alshabaab iyadoo balacad ku sugneyd,sidoo kale magacaabistaasi ayaa timid markii odayaal ka tirsan beesha 5aad ay ra’iisulwasaaraha hor dhigeen in wasiiradii dhawaan la magacaabay Caasho Cusmaan Caqiil ay ku badalaan Drs Maryan Aweys Juma isna uu sidaa ku aqbalay.

Caasho Cusmaan Caqiil ayaa iyadu sheegtay in dhawaan in lagu been abuurtay islamarkaana aan lagala tashan in iyada Wasiir loo dhiibo taasoo soo dedejisay in Ra’iisulwasaaruhu xilkaasi haweeney kale u magacaabo.

Madaxweyne shariif ayaa aqbalay oo saxiixay magacaabista wasiirada cusub ee haweenka iyo arimaha qoyska inkastoo madaxdu soo hadal qaadin wasiiradii Khamiistii hore la magacaabay ee hada ku sugan Balcad iskana fogeysya in wax xil ah ka qabaneyso Dowlada KMG ah.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)