Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo la kulmay jaaliyada Soomaalida ee Roma
January 30, 2012 // diyeeshe // NewsRoma (PV):-Ra’iisulwasaaraha Dowlada KMG ah Soomaaliya Dr.C/weli Maxamed Cali oo dhawaan gaaray dalka Talyaaniga ayaa halkaasi kula kulmay saacidihii ugu danbeyay jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Roma xarunta Dalka Talyaaniga.
Ra’iisulwasaaraha oo la filayo inuu talyaanigu ka soo laabto marka Roma kula shiro Ra’iisulwasaaraha Dalkaasi Mario Monti ayaa iminka kormeer ku soo sameeyay guryaha iyo xafiisyada safaaradda Soomaaliya ee talyaaniga oo uu burbur xooggan ka muuqdo.
Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ra’iisulwasaaraha ku wehliyay meelaha uu booqday iyadoo si gaar ah safiirku mid mid u soo tusay Ra’iisulwasaaraha xarumaha ay booqdeen.
Wafdiga Ra’iisulwasaaraha waxaa qado sharaf u sameeyay safaarada Soomaaliya ee Magaalada Roma iyadoo markaasi kadib ra’iisulwasaaruhu la shirey jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Roma.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulmay Rome ugana warbixiyey xaalada dalka, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isku xirka Maamulada dalka iyo Dowladda dhexe, Maamul Wanaaga, Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waqti dheer siiyey Soomaalida oo uu uga jawaabayey su’aalaha ay qabaan, isla markaana dhageysanayey talooyinka ay Jaaliyadda Soomaaliyeed u soo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed dadaalkooda, kana codsaday inay sii laba jibaaraan oo ay kaalin xoog leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka.
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government


