Ra'iisulwasaare C/wali Maxamed Cali oo Maanta la shirey qaar ka mid ah ururada bulshada+SAWIRO
July 27, 2011 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Warsaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisulwasaare Dr/C/weli Maxamed Cali loogana hadflayay kulan dhexmaray qaar ka tirsan ururada bulshada iyo ra’iisulwasaaraha ayaa sidaan u qornaa”-
(Muqdisho, Talaado, 27ka July 2011) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli
Maxamed Ali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray ururada bulshada rayidka ah.
Ururada Bulshada Rayidka ah ee uu maanta Ra’iisul Wasaaraha la yeeshay kulanka
ayaa isagu jiray dhammaan qeybaha bulshada ay ka koobantahay. Waxaa goobta
kulanka ka hadlay shaqsiyaad ka mid ah ururada bulshada rayidka ah oo si aad ah u
soo dhoweeyey kulanka, isla markaana siiyey Ra’iisul Wasaaraha warbixinno la xiriira
xaaladda dhabta ah ee dalka iyo doorka ururada bulshada rayidka ah. Waxeyna ka
codsadeen Ra’iisul Wasaaraha inuu dar-dargeliyo howlaha xukuumadda, gaar ahaan
gar-gaarka bani’aadanimo.
Ururada bulshada rayidka ah talooyinkii ay u gudbiyeen Ra’iisul Wasaare Dr Cabdiweli
waxaa ka mid ahaa in la sameeyo Hay’ad Maareysa Masiibooyinka, in la mideeyo
dadaaalada, lana sameeyo dalad mideysa dowladda, bulshada rayidka iyo hay’adaha
gar-gaarka iyo in la gaaro dadka dhabta ah ee dhibaateysan, lana sameeyo tirokoob
dhab ah. Ururada bulshada rayidka waxey codsadeen in Dowladda ay soo dhexgasho
bulshada.
Ra’iisul Wasaare Dr Cabiweli Maxamed Cali ayaa yiri “ Ururada Bulshada Rayidka ah
waa aasaaska bulshada, doorkiina waa muhiim, xukuumaddu aad iyo aad bey idiin soo
dhoweyneysaa. Tallooyinkiina iyo wadatashigiina muhiim bey noo tahay, door weyn
baad ka cayaari kartaan xal u helidda mushkiladaha jira.
“Sidaad la socotaan macluul ba’an baa shacabkii heysa, waxaana idinkaga
mahadcelinayaa doorkiina gurmadka abaaraha, waxaana idinku dhiiri gelinayaa inaad
sii wadaan. Xafiiskeyga waa idiin furanyahay, waxaana yeelan doonaa wadashaqeyn
buuxda.” Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabayey codsigii ahaa in la sameeyo Hay’ad
Maareysa Masiibooyinka ayaa sheegay “ Xukuumaddu waxey diyaarisay dhaqangelinta
hay’addan oo dhowaan lagu dhawaaqi doono.”
Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee uu Ra’iisul Wasaarahu la yeesho bulshada
rayidka ah tan iyo intii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarenimo. Ra’iisul Wasaarahu
waxuu sheegay inay jiri doonaan kulamo joogta ah oo ay Xukuumadda iyo bulshada
rayidka ah isaga kaashanayaan xal u helida mushkiladaha jira.







