digg icon delicious icon

Ra'iisulwasaare C/weli Gaas iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Nayroobi

October 30, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Ra’iisulwasaaraha Dowlada KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho iyagoo gaaray magaalada Nayroobi halkaasoo uu kula kumi doono mas’uuliyiinta Kenya qaarkood.

Ra’iisulwasaaraha oo hogaaminaya qaar ka mid ah Golihiisa wasiirada sida wasiirada arimaha gudaha,gaashaandhiga iyo Ganacsiga ayaa intii uusa dhoofin wariyayaasha kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaana uu shegay inuu dalka kenya kala soo hadli doono iskaashiga labada dal sidii loo sii xoojin lahaa.

Dr.C/weli gaas waxaa uu muujiyay in arimaha dagaalada ay kenya soo gashay ay ka wada hadli doonaan inkastoo uusan faahfaahin khilaafkii arintaasi ka dhashay halka uu ku danbeeyo marka la eego isaga iyo madaxweyne Shariif.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha waxaa uu sheegay in wafdi ka socda dowlada Imaaraadka Carabta uu la shirey intii uusan maanta dhoofin islamarkaana ay ka wada hadleen arimo ku saabsan gargaarka bini’aadanimo ee soomaaliya loo fidinayo.

Si kastaba safarka maana uu Nayroobi ku aaday Dr/c/weli ayaa ku soo aadaya xili isaga iyo Madaxweyne shariif ku kala tageen faragelintii ciidamada kenya ay ku soo sameyeen Gobolada Jubooyinka lamana saadaali karo khilaafkaasi halka uu ku danbeyn doono.

Muqdisho-Somalia
allburtinle.com

Readers Comments (0)