Ra’iisulwasaare C/weli Gaas oo la shirey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga+Sawiro
January 31, 2012 // diyeeshe // NewsRoma (PV):-Ra’iisul Dowlada KMG ah Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga shir kula qaatay Wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaaniga H.E. Giulio Terzi.
Shirka labada mas’uul dhexmaray ayey uga hadleen xiriirka qotada dheer ee labada dal, xaalada dalka Soomaaliya, arrimaha Burcad-badeeda, arrimaha Amniga iyo Shirka London lagu qaban doono bisha febraayo.
Labada mas’uul wada qabteen shir-jaraa’id oo ay saxaafadda kula hadleen Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga. Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Talyaaniga sida ay uga go’antahay in la sii xoojiyo xiriirka qotoda dheer iyo u gargaarida shacabka Soomaaliyeed. Labada mas’uul waxey sheegeen inay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, ayna rajeynayaan inay sii xoojiyaan xiriirka labada dal. Sidoo kale waxey labada mas’uul sheegeen inay ka wada hadleen shirka London oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sheegay in la rajeynayo in shirkaas uu middeeyo beesha caalamka oo ay u soo jeestaan sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya, isla markaan lagu sii horumarin lahaa dadaalada socda iyo horumarka laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Xiriirka maamulada iyo Dowladda, Maamul wanaaga, Dastuurka qabyada ah iyo dib-uhabeynta Baarlamaanka. Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa sheegay in Talyaaniga uu tagayo shirka Lodon isla markaana taageeri doono mowqifka Soomaalida si xalku u noqdo mid ay Soomalidu leedahay.
C/weli Gaas ayaa waxaa Qado sharaf u sameyey Wasiir ku xigenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H:E. Staffan De Mistura oo ay labada mas’uul ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Raìiisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Wasiirada Gaashandhiga, iyo Arrimaha Gudaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga.
Puntlandvoice.com










