Ra'iisulwasaare C/Wweli Gaas oo kulan ballaaran la yeeshay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Danmark
September 28, 2011 // admin // NewsCopenhegan(AB):-Xaflad aad u balaaran oo lagu soo dhaweynayey wafdiga Balaaran ee uu hogaaminayey R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdi weli Maxamed Gaas ayaa xalay lagu qabtay magaalada Copenhegan ee caasimada Dalka Denmark waxaana isugu yimid boqolaal Soomaali ah oo ku nool dalka Denmark iyo dalalka deriska la ah.
Xafladan oo lagu soo bandhigay dareenka qurba joogta, iyo sida ay u taageersan yihiin howlaha baaxada leh ee dalka Soomaaliya xiligan ka socdo iyo guulaha ciidamada qalabka sida ay ka soo hooyeen nabadgalyada dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Madaxda jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Denmark iyo xubno isugu jiray siyaasiyiin haween waxgarad iyo dhalinyaro oo halkaasi khudbooyin qiiro ka jeediyey kuwaas oo ay kaga hadlayeen nolosha qurbaha iyo sida ay ugu baahan yihiin in ay dalkoodii hooyo ku laabtaan, waxa ayna R/wasaaraha iyo xkukuumadiisa u soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah.
Khudbadii soo dhaweynta wafdiga uu R/wasaaraha hogaaminayey waxaa halkaasi ka soo jeediyey Ing, Cabdi Canshuur Xasan oo ku hadlayey magaca jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Denmark, waxaa sidoo kale goobta ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen Axmed Faarax Ducaale, Cambaro Xaashi, Raxma Maxamed (LIisa) Saciid Aadan, Cabdi Shiil, iyo shaqsiyaad kale oo aad u fara badan waxa ayna dhamaantood muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay caasimada Denmark ku soo dhaweeyaan wafdiga R/wasaaraha soomaaliya uu Hogaaminayo
R/wasaaraha Xukuumada Federalka ah ee Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Gaas oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa ugu horeyn amaan iyo mahadcelin u soo jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay xafladan, waxa uuna warbixin dheeraad ah ka siiyey howlaha baaxada leh oo ay dowladdu ka qabatay gudaha wadanka Soomaaliya ee la xiriira arimaha nabadgalyada, waxka qabashada abaaraha iyo horumarka xiriirka caalamiga ah ee dowladu la sameynso dunida.
R/wasaare Cabdi Weli oo khudbadiisu ay aheyd mid ay aad u xiiseynayeen ka qeybgalayaasha xaflada ayaa ka si kulul mar kale uga jawaabay wararkii been abuurka ahaa ee lagu faafiyey in uu ka baxay kulankii qaramada midoobay xiligii uu khudbeynayey Madaxweynaha Dalka iiraan, waxa uuna R/wasaaruhu sheegay in aysan jirin sabab ay uga baxaan.
’’ ma jirto sabab keeneysa in aan uga baxno waayo waa dal walaalaheen ah oo muslim ah waana og tihiin in wasiirkooda arimaha dibbadda uu Muqdisho nagu soo booqday, isla markaana ay lacag ugu deeqeen shacabka Soomaaliyeed, marka anaga waxaanba sugeynay khudbada R/wasaaraha oo sedex khudbo ka dib soo gali lahaa’’ ayuu yiri R/wasaaraha Dalka Soomaaliya.
Xafladan oo aheyd mid aad u qurux badneyd ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan isugu jirtay gabayo iyo fanaaniin, waxaana gabayo qiiro leh soo bandhigay abwaan Barre Maxamed Fiidoow Leento halka ay fanaaniinta reer Denmark oo uu horkacayey C/risaaq Alteso uu soo bandhigay heeso wadani ah.
C/raxmaan Xudeyfi



