digg icon delicious icon

Ra'iisulwasaare Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo goor dhow gaaray Magaalada Gaalkacyo

August 30, 2011   //     //   News

Gaalkacyo (AB):-Ra’iisulwasaaraha Dowlada KMG ah Soomaaliya C/weli maxamed Cali gaas iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa goor dhow oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga Ra’iisulwasaaraha waxaa ka mid ahaa wasiirka caafimaadka Dowlada Puntland Cali C/laahi Warsame iyo mas’uuliyiin kale.
Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka waqooyi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Ra’iisulwasaaraha markii uu gaaray saaka isagoo saaka booqasho ku tagay degmada Burtinle halkaasoo uu salaadii ciida kala qeybgalay shacabka Soomaaliyeed.
Wararka durba aan ka heleyno booqashada Ra’iisulwasaaraha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu markii kulan la qaatay isimada Gobolka Mudug isagoo kala hadlay xaalada dalka uu marayo.
Ra’iisulwasaaraha oo la sheegay inuu u sii gudbi doono Koonfurta Gaalkacyo wixii ku soo kordha socdaalkiisa wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan Hadii Alle idmo.
Gaalkacyo-Mudug
allburtinle.com
 

Readers Comments (0)