Ra'iisulwasaare Gaas oo Muqdisho dib ugu soo laabtay
August 31, 2011 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay markii uu booqasho ku tagay deegaanada Dowlada Puntland.
Ra’iisulwasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayay oo 26 bishaan u dhoofay Magaalada Garoowe ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha kuwaasoo booqasho ku tagay magaalooyin badan oo ka mid ah kuwa Puntland.
C/weli gaas oo markii uu maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa wariyayaasha kula haday gudaha garoonka diyaaradaha waxaana uu sheegay in guul ugu soo dhamaatay safarkii uu ku tagay magaalooyinka Garoowe,Burtinle iyo Gaalkacyo.
“dhamaan guulo ayay ku soo dhamaadeen kulamadii aan la qaatay Dowlada Puntland iyo Maamula Galmudug”ayuu yiri Ra’iisulwasaare C/weli gaas
Socdaalka ra’iisulwasaaraha ayaa qaatay mudo 5 maalmood ah isagoo dadka reer Burtinle la dukaday salaadii ciida ee shalay waxaana intii uu ku sugnaa Puntland uu Ra’iisulwasaaruhu heshiis la saxiixday Madaxweynaha puntland.
Xafiiska Muqdisho
alburtinle.com



