News

Raysul Wasaaraha Ethiopia oo Soo Gaaray Magaaladda Moqdisho

Raysul wasaaraha dalka itoobiya Abey ahmed ayaa soo gaaray magaaladda moqdisho booqashada abey ayaa ahayd mid aan horay loo shaacin, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ku soo dhaweeyey madaxweynaha dawladda soomaaliya, maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo,

Labada masuul ayaa kulan ku yeeshay qasriga madaxtooyadda soomaaliya iyagoo kawada hadlay arimo quseeya labada wadan sida iskaashiga ka shaqaynta amaanka iyo kobcinta dhaqaalaha. labada masuul ayaa shir jaraaid oo ay wada qabteen ku sheegeen inay ku heshiiyeen ka shaqaynta amaanka, iyo Maal gashiga afar dakadood oo ka mid ah soomaaliya, waxay kaloo intaas raaciyeen in guud ahaan amaanka geeska Africa la iska kaashado,