News

Raysul Wasaare Khayre ma Jiri doonto Cid xuquuq kuleh dawladda marka la gaaro 31 December

Reysalwasaare Kheyrre, wuxuu sheegay in December 31 marka ay tahay, aysan jiri doonin cid xuquuq ku leh Dowladda. In khasnadda Dowladda ay ku jiri doonto $30 Milyan. Wuxuu sheegay in markuu imaanayay, aysan wax lacag ah ku jirin Khasanadda Dowladda, laakiin, caawa ay ugu jirto shacabka lacag ka badan $70 Milyan. Wuxuu sidoo kale sheegay, in sannadkaan yahay kii ugu horreeyay ee Dowladdu aanay soo qaadan wax deyn ah.

Wuxuu sheegay in Dowladdu markii ugu horreysay sameysay Miisaaniyad ku dhisan Dakhliga Dalka. Waa markii ugu horreysay ee Miisaaniyadda Qaranka lagu daray lacag horumarin adeegga bulshada ah. In mashaariic ay ku baxeeyao $250 Milyan la fulin doono, sannadka soo socda, in la wado qorshihii deynta loo ga dhaafi lahaa Soomaaliya. Waa Xukuumaddi ugu horreysay ee ugu yaraan 30 sharci u gudbisay Baarlamanka, kuna jiraan sharciga Musuqmasuqa iyo kan Isgaarsiinta.

Wuxuu intaa ku daray, in Ciidamada Qaranka ee la dhisi doono, Dowladdu bixin doonto qarashaadka ku baxaya. In Ciidanka Qaranka mushaaraadkooda ay ku qadan doonaan koontadooda, in maalmaha soo socda la soo bandhigi doono tirada rasmiga ah Ciidamada Qaranka, tababarkooda, aqoontooda, tiradooda iyo tababbarrada ay u bahanyihiin. In la qorsheynayo in Xisbiyo la dhiso, in Dastuurka Afti loo qaadi doono iyo in Guddiga Adeegga Garsoorka la dhisi doono, si loo helo Maxkamad Dastuuri ah, loogana hortago isqabqabsiga siyaasadeed ee dalka ka dhaca.”