News

Raysul wasaare Khayre oo Jabuuti ku Booqday Qaxooti Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa booqasho ku tagay degmadda Cali-cadde oo ka tirsan gobolka Cali Sabiix ee dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku nool yihiin shacab Soomaaliyeed oo in ka badan 27-sanno Qaxooti ku ah deegaanka.

“Dawladda uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo waa dawladii shacabka, idinkuna waxaad ka mid tihiin shacabka Soomaaliyeed. Sidaa darteed anigoo ah Ra’iisul Wasaasraha Soomaaliya oo yimid Jabuuti waxay ila noqotay ceeb in aan idin soo salaami waayo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.