News

Raysul wasaare ku xigeenka soomaaliya iyo Raysul wasaraha Hindiya oo kulmay

Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya,Narendra Modi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi u hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Gulleed oo dalka Hindiya uga qeybgalay shirka caalamiga ah ee looga hadlayay ka faa’idaysiga khayraad dabiiciga ah ee Tamarta.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka warbixiyay kulanka gaarka ah ee u la qaatey Ra’iisul wasaaraha Hindiya iyo qodobbadii looga hadlay wuxuu yiri “Waxaan la kulanay Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada-hadalnay siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda; Shacabka Soomaaliyeedna loogu fududayn lahaa dal ku galka Hindiya.