News

Raysul wasaare ku xigeenka soomaliya oo ka qayb galay dhaarinta Gollaha wasiiradda Cusub

a’iisul wasaare ku-xigeenka ahna kusimaha Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay wasiirada cusub ee xukuumadda, taas oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa.

Munaasabadda lagu dhaarinayay wasiirrada cusub waxaa goob joog ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, labadiisa ku-xigeen iyo masuulyiin kale.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa dhaariay wasiirada cusub si ay u bilaabaan la wareegidda xafiisyadooda si dhaqsa ahana u guda galaan shaqooyinka laga sugaayo in ay qabtaan.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa gababadii munaasabadda kula dardaarmay wasiirada cusub in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan si ay ugu guuleestaan howlaga qaran ee Hor-yaalla.