Reer Buuhoodle iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada Puntland oo ku shirsan Gaalkacyo.
January 31, 2012 // diyeeshe // NewsGaalkacyo (PV):- Odey dhaqameedyo reer Buuhoodle ah iyo wasiiro ka tirsan Dowlada Puntland ayaa maanta shir waxaa ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.
Kulanka oo loo diiday saxaafada inay ka qeygalaan ayaa wali soconaya waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in waxa ugu badan ee ay isla soo qaadayaan dhinacyada shiraya ay tahay dagaalada Buuhoodle ka dhacay kuwa hada mararka qaar ka dhacaya duleedka.
Wasiirada shirka ka qeybglaya ayaa kala ah Wasiirka Cadaalada iyo Awqaafta CabdiKhaliif Xaaji Xasan (Ajaayo) iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdullahi Warsame waxaana la filayaa in shirka kadib ay saxaafada la hadlaan.
Dowlada Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay dadaal badan ku bixineysay sidii dhaawacyadii buhoodle laga keenay ugu daweyn lahaayeen Gaalkacyo iyo magaalooyinka kale iyadoo wasiirada qaar si cad u sheegeen inay wax badan u qaban doonto dowladu dhaawacyada laga keenayo buuhoodle.
Wixii warar ah ee ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan Inshaa Allaah.
Gaalkacyo-Mudug
puntlandvoice.com



