Articles, Dhacdooyinka Puntland, News

Safaarada Soomaaliya ee Dalka Imaraadka Carabta oo lagu soo gabagabeeyey Buugii Tacsida Alla ha u naxariistee Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf+SAWIRO

Safaaradaha Soomaaliya iyo Jaaliyadaha Dibada badankooda waxaa ka socda Buuga Tacsida Alla ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi yusuf Axmed, Waxaa malinti khamiista 29/3/2012 lagu soo gabagabeeye Buuggi Tacsida oo ay Safaaradda  Abu Dhabi ku fartay munaasabad loogu baroor diiqayay Marxuum/Cabdullaahi Yuusuf  Axmed, Madaxweynihi hore ee Ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabaddaas oo ay goobjoog ku ahaayeen Xarunta Safaaradda abu Dhabi Sii-Hayaha Safaaradda Marwo Aamina Maxamuud Axmed Cali iyo Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Marwo Zahra Jaamac Xussein, Xoghayaha 2aad ee Safaaradda Mudane. Maxamuud M.Cali (Caydiid) oo ay wehliyaan Safiirki hore ee Safaardda Mudane.C/Raxmaan Cumar Cismaan iyo Mudane Axmed Maxamed Abokor oo ah Agaasimihi hore ee W.Waxbarashada ee Dowladdi Dhexe ee Somalia, iyo dad badan oo jaalliyadda Soomaaliyeed ee Imaaraadka ka tirsan ayaa waxaa halkaas buugga tacsida ku saxiixay Diplomaasiyiin fara badan oo ay ka mid ahaayeen.

Agaasimaha Guud Waaxda Arr.Afrika ee W.Arr.Dibadda Dalkan Imaaraadka, Safiirka Uganda ee UAE, Safiirka Sinigaal UAE ,< br />Safiirka Filibiin,Safiirka Suudaan, K/Xigeenka Safiirka Maraykanka, K/Xigeenka Safiirka Turkiga, K/Xigeenka Safiirka Iiraan, L/Taliyaha Safaaradda Djibouti, L/Taliyaha Safaaradda India, L/Taliyaha Safaaradda Urdun, Xog.1aad Safaaradda Cumaan iyo Xog.2aad Safaaradda Afgaanistaan.

Iyagoo dhamaantood  tacsi hawada u mariyay Madaxda iyo shacab Soomaaliyeed.

HADABA DAAWO SAWIRADA