digg icon delicious icon

Saraakiil u kala hadashay Dowlada KMG iyo Ururka Xisbul Islaamii oo Guulo ka wada sheegtay Dagaalkii Maanta B/weyne ka dhacay.

May 31, 2010   //     //   News

B/weyne (AB):-Kadib dagaalo qaraar oo Maanta ka dhacay Duleedka Magaalada B/weyne kaasoo u dhexeeyay Ciidamo kala tabacsan Dowlada MG iyo Ururka Xisbul Islaamii ayaa waxaa guulo kala duwan ka sheegtay Saraakiil labada dhinac u kala hadashay.

Axmed Cusmaan Cabdule Inji oo ka tirsan Saraakiisha Dowlada KMG Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa saxaafada u sheegay inay si rasmi ah ula wareegeen bariga Magaalada B/weyne islamarkaana ay tikniko ka qabsadeen dhankii ka soo horjeeday.

“waxaan ka dilnay lix 10 waan ka dhaawacnay,sidoo kale 2 baabuurka oo kuwa dagaalka ayaan ka qabsanay iyo qoryahaha boobayaasha” ayuu yiri Axmed Inji oo sidoo kale sheegay in xitaa ay qoraxsinka gaareen ciidamadooda qaar ka mid ah .

Sidoo kale Sarkaal u hadlay Ururka Xisbul Islaamii oo lagu magacaabo Ibraahin Yuusuf Sheekh ayaa isna sheegay in ciidamadoodu guulo ka gaareen dagaalka maanta islamarkaana aysan khasaare nafeed ka soo gaarin ciidamadooda.

“deg deg ayaan magaalada B/weyne gabi ahaanteed ugala wareegi doona Ciidamadii na soo weeraray maanta” ayuu yiri Ibraahin Yuusuf

Warka ka soo baxay labadaan sarkaal ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili Saaka dagaalo saacado qaatay uu dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Dowlada KMG iyo ururka Xisbul Islaamii

allburtinle.com

Baladweyne-Hiiraan

Readers Comments (0)