Sarkaal Dowlada KMG u hadlay oo guulo ka sheegtay Dagaalo Maanta ka dhacay aagaga Degmada Hodan ee Muqdisho
October 31, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-DhameC/qaadir oo ka mid ah horjoogayaasha Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya ee aagaga Degmada Hodan Magaalada Muqdisho ayaa maanta mar uu saxaafada la hadlayay waxaa uu guulo ka sheegtay dagaalo maanta dhex maray iyaga iyo Xarakatu shabaabul Mujaahidiin.
Sarkaalka ayaa tilmaamay in iyaga la soo weerarar islamarkaana lagu weeraray debka iyo guryaha shaqaalaha oo islamarkaan ay jab gaarsiiyeen ciidamadii Alshabaab ee weerarka ku soo qaaday sida uu sheegay.
“6 ayaan ka dilnay 20-na waan ka dhaawacnay kuwaasoo ay qaarkood aagaga dagaalka uga ordeen waxaana ku jirey caruur ay soo qaldeen oo aad u da’yaraa” ayuu yiri Dhame C/qaadir Xuseen oo aan sheegin khasare iyaga gaaray.
Dagaalka uu ka hadlayo sarkaalkaani ayaa saaka ka dhacaya degmada hodan kaasoo madaafiic iyo rasaasba la isu adegsaday iyadoo ciidamada AMISOM oo degan meelaha dagaalku ka dhacay ay madaafiic ku garaacen meelo ka baxsan goobaha dagaalka sida suuqa B akaaraha.
Inta laga war hayo dagaaladaasi waxa u geriyooday 2 ruux oo shacab halka kuwo kalana ay dhaawacyo soo gaareen.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
diyeeshe15@hotmail


