digg icon delicious icon

Sarkaal xalay lagu dilay Boosaaso

September 29, 2011   //     //   News

Boosaaso (AB):-Magaalada Boosaaso waxaa xalay lagu dilay sarkaal ka tisanaa ciidamada Boliiska Dowlada Puntland kaasoo ku sugnaa xiligii la dilayay meel u dhow hoygiisa oo ku yaala magaalada Boosaaso.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jirey Gaashaanle Axmed Maxamed Nuux ayaa waxaa toogtay dabley ku hubeysneyd baastoolado kuwaasoo aaney cidina aqoonsan islamarkaana aan la qaban iyagoo si fudud ku baxsaday

Ciidamada boliiska boosaaso ayaa la sheegay inay qabqabteen dhowr qofood oo ay ku tuhunsan yihiin inay ku lug leeyihiin dilka sarkaalkaasi loo gaystay iyadoo dhanka kale aaney jirin cid sheegatay dilka sarkaalkaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay dhalinyaro hubeysan ay dilkaasi ka danbeeyeen islamarkaana ay rasaas badan la dhaceen marxuumka kaasoo isla goobta ku dhintay kadibna ciidamadu ka qaadeen iyadoo maanta lagu aasay isla magaalada Boosaaso.

maaha markii ugu horeysay oo sarkaal ciidamada Puntland ka tirsan lagu dilo gudaha magaalada Boosaaso ama magaalooyinka kale sida gaalkacyo iyo garoowe waxaana marar badan ay saraakiisha ciidamadu sheegeen inay amniga gacan bir ah ku qaban doonaan balse waxaa wali iska sii socda dilalka qorsheysan ee mas’uuliyiinta Puntland lala eeganayo.

Boosaaso-Bari

Readers Comments (0)