digg icon delicious icon

Shaqaaqo hore uga dhacday Magaalada Qardho oo xalkeeda loo fadhiyo

October 30, 2011   //     //   News

Qardho(AB):- Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee xarunta Dowlada Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan kulamo ay leeyihiin isimada,siyaasiyiinta waxgaradka iyo aqoonyahanada kaasoo lagu doonayo in xal loogu helo shaqaaqo bartamihii bishaan ka dhacday Xarunta Gobolka Karkaar ee qardho.

Magaalada Qardho ayaa bartimihii bishaan waxaa lagu dilay ilaa 5 ruux kuwaasoo aanu qabiil loo dilay waxaana shirkaani wali ka socda qardho oo soo bilowday markii shaqaaqda ay dhacday looga hadlaayaa sidii looga hortagi lahaa in aano qabiil la isku sii dagaal oo sidaana aar goosu uu ku dhaco.

Dadaaladaani nabadeed waxaa ka qeybgalaya oo ka dhexmuuqda Wasiiro ka tirsan Dowlada Puntland sida Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan , Wasiiru dowlaha madaxtooyada ee dhinaca Sharciga Yuusuf Axmed Khayr , Agaasimaha guud ee Macdanta iyo Shidaalka Puntland Ciise Maxamuud Dhoolawaa, iyo Siyaasiin kale oo laga xusi karo madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (cade muuse).

Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Gen. Yuusuf Axmed Khayr marna soo noday wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay in shirkaani socda uu guulestay gaar ahaan danihii laga lahaa shirkaasi islamarkaana ay dhawaan warbaahinta siin doonaan warar dhameystiran.

Waa markii ugu horeysay oo Magaalada qardho ay ka dhacday shaqaaqo sidaa u khasaare badan waxaase heer gabo gabo ah shirarka isimada iyo siyaasiyiintu leeyihiin kasoo ku guuleystay inaan aargudasho dhicin.

Qardho-Karkaar
allburtinle.com

Readers Comments (0)