digg icon delicious icon

Sheekh Axmed rashiid oo reer Malaysia kusagootiyey muxaadaro aad u qiima badan….

May 7, 2011   //     //   Articles, Islam


Shiikh Axmed Rashiid Shiikh xanafi oo ah daaci, mufakir islaami ah oo aad looga yaqaan waqooyiga Ameeriga iyo canadda. Shiikha oo joogay muddo bilo ah Dalka Malaysia ayaa howlo diini, dacawi ah ka waday dalka.

Sheekha oo maantay muxaadaro aad uqiimo badan ujeediyey qaar ka midda bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Malaysia, gaar ahaan kuala lumpur.

Muxaadaradda oo ciwaankeedu ahaa ” Saameeynta macaasida ay ku leedahay ardayga iyo sida uu oga badbaadi karo” wuxuuna shiikha ku soo qaatay muxaadaradiisa qeexidda Macsiyadda, nuucyaddeeda, asbaabta keenta, waxa ka dhasha, cuquubadeeda aduun iyo aakhiraba, kadibna wuxuu kusoo afmeeray towbadda iyo alle ka cabsiga miraha ay leeyihiin.

shiikha oo aad ugu dheeraaday qodobadii muxaadaradda ay ka koobneed ayaa aad ugu dardaarmay da’ yarta ama dhalinyaradda gaar ahaan, si ay u noqdaan kuwii alle uu harin doono hooskiisa.

Intii uu joogay Dalka Malaysia, Shiikha ayaa jaamacaddo kala duwan soo booqday kana soo jeediyey muxaadarooyin kala duwan, sidoo kale waxa uu qabtay tobanaan muxaadaro kana jeediyey xafaddaha.

Sidoo kale wuxuu shiikha bulshadda Malaysia uga faa’iideeyey kutub cilmi ah oo uu ka kala aqrinayey xafaddaha taman melati iyo PV 10,oo ka tirsan caasimadda.

Shiikha oo inta badan ardayda ku dhiira galinayey in ay waxbarashadooda xoojiyaan, oo ay tayo u yeelaan, gana digay in ay qaataan shahaado cilmi la’aan ah.

Shiikha sidoo kale wuxuu ku booriyey in ay ardaydu noqdaan laf dhabarka jiilka badbaadin doona dalka laakiin ay u baahan tahay in si sax ah wax u bartaan.

Shiikha wuxuu ardayda kula taliyey in ay soo celiyaan ixtiraamkii culumadda soomaaliyeed, in ay ka fogaadaan kala qobqobnaanta, iskana ilaaliyaan afgaar aan ku dhisneen islaam, isla markaana u sheegay in ay ka fogaadaan qabyaaladda. Sidoo kale shiikha wuxuu aad ugu dhiiragaliyey ardayda in ay noqdaan dad lagu daydo oo ku dadaala cibaadada iyo iskaalmeynta kana fogaada khilaafka iyo isnaceebka.

Shiikha oo muxaadaradii ugu danbeysay shalay ka jeediyey kuala lumpur, xaafadda tamam malati. Wuxuu shiikha sheegay inuu safar yahay laakiin uu soo noqon doon bilo kadib, laakiin ka dalbaday in ay sibedel sameeyaan dhan kasta.

Ugu danbeytiina gabi ahaan Jaaliyadda soomaaliyeed ee Malaysia aad ayey ugu mahadceliyeen shiikha, kana codsadeen in uu marer badan kusoo noqdo dalka si looga faa’iideysto.

Cali Axmed
Wariye Madax banana
axmedcali1@gmail.com

Readers Comments (0)