digg icon delicious icon

Sheekh Xasan Daahir uga digay dalalka afrika inay ciidamo usoo dirsadaan Soomaaliya.

August 31, 2010   //     //   News

Muqdishoi (AB):-Hogaamiyaha Xisbul islaam waxaa daboolka ka qaaday inay dagaal kala hortagi doonaan ciidan kasta oo dalka la keeno waxaana uu intaasi ku daray inuu ugu baaqayo dalalka afrika inaysan ciidamo u soo dirin Soomaaliya.

Waxaa kale uu sheegay sheekhu in ciidamada shisheeye aysan shacabka soomaaliyeed waxbna u hayan balse kaliya ay u joogaan baabi’inta shacabka.

Sidoo kale waxaa ugu baaqay ciidamada Dalka Burindi iyo kuwa Uganda inay dalka ka baxaan isagoo uga digay in hadii aysan bixin ay ku baabi’i doonaan gudaha Magaalada Muqdisho.

“Beesha Caalmka iyagana leenahay waxaan dani idinkugu jirin ayaad markasta u soo abaabushaan Soomaaliya kuwaasoo aakhirkoodana ku dhamaada waxa soomaalidu u taqaan hal bacaad lagu lisay” ayuu yiri Sheekh Saxan Daahir Aweys

warka sheekha waxaa uu jawaab u ahaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay Madaxweynaha Dowlada Soomaalida sheekh Shariif kaasoo dunida ugu baaqay inay degdeg ugu soo gurmadaan Dowladiisa oo dagaalo ba’an kula jirta xoogag ka soo horjeeda.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
diyeeshe15@hotmail.com

Readers Comments (0)