News

Shirka Amniga Qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

, waxaana daah furay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyadoo ay ka qayb galeen Ra’isal wasaraha Jamhuuriyadda, madaxda maamullada iyo xuno katirsan golayaasha dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa guud ahaan amaanka soomaaliya iyo in si wada jir ah loola dagaalamo kooxda alshabaab, waxaa sidoo kale looga arin sanayaa dhismaha ciidanka qaranka soomaaliyeed kaasoo ay iska kaashanayaan maamuladda dalka iyo dawladda soomaaliya, shirka ayaa maalmaha soo socda ka socon doona iyadoo laga filayo in laga soo saaro qodobo la isku waafaqay.