News

SHIRKA GAROOWE : Raysalwasaare Gaas “Waxaan doonaynaa Dastuur waafaqsan Diinta Islaamka”(Sawiro)

Garoowe:-Raysalwasaaraha DFKS Cabdiwali Maxamed Gaas oo iminka khudbad kooban jeediyay ayaa waxa uu ka hadlay Dastuurka Soomaaliya ay yeelanayso waxaana uu sheegay in ay rabaan oo loo baahan yahay Dastuur waafaqsan Shareecadda Islaamka, Dastuur ilaasha xuquuda muwaadinka, Dastuur ilaasha badda, Dhulka, Cirka iyo dhamaman xuquuqaha oo dhan sida qofka shaqaalaha oo kale.

Sawiradii shirka ee maanta(Source: PP)

Raysalwasaare Gaas, waxa uu sheegay in ay doonayaan Dastuur ilaasha korna u qaada Sumcadda Ummadda Soomaaliyeed/

Raysalwasaare Gaas, waxa uu u mahadnaqay Puntland oo uu sheegay in ay gogol wanaagsan iyo soo dhawayn aad u heersaraysa kala kulmeen.