Shirka Isbahaysiga Sanca oo xaalada Soomaaliya looga hadli doono
July 31, 2010 // admin // NewsSanca (AB):-Kulan balaaran oo lagu in dhawaan uu dalka Yemen ka furmo ayaa waxaa wararka soo baxaya ay sheegayaan in qodobada looga hadlayo ay kow ka tahay xaalada Soomaaliya.
Shirkaani ayaa la sheegay inuu yahay kii 10aad oo ay yeeshaan Dalalka la isku dhaho isbahaysiga Sanca waxaana lagu wadaa in maanta ay Magaalada Sanca ee Dalka Yemen kulan gogol xaar ah ku yeeshaan wasiirada arimaha dibada dalalka ku jira isbahaysigaasi.
Wasiirka arimaha dibada Dowlada KMG Soomaaliya Yuusuf Ibraahin Xasan (Y.dheeg) ayay wakaaladaha wararka qaar qoreen inuushalaybna gaaray Magaalada Sanca ee dalka yemen si uu maanta uga qeybgalo shirka wasiirada arimaha dibada ee Dalalka isbahaysiga Sancxa la isku yiraahdo.
Wakaalada Wararka Dalka Yemen ee lagu magacaabo SABA ayaa laga soo xigtay in Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Yeman Abubakar Al-Qirbi uu dalkiisa ku soo dhaweeyay wasiir arimo dibadeedka Soomaaliya Yuusuf dheeg.
Wararka sidoo la helayo ayaa sheegaya in waxyaabaha la filayo in xaalada Soomaaliya looga hadlo shirkaasi ay ka mid yihiin taageerada wixii ka soo baxay shirkii Midowga Afrika iyo kii ka horeeyey ee IGAD.
allburtinle.com
Xafiiska muqdisho


