Shirka Madaxda Afrika oo ka furmay Dalka Itoobiya
January 30, 2011 // admin // NewsMuqdisho(AB):-Shir madaxeedka Dalalka Midowga Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.
Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka soo qeybgaleen shirka iyadoo madaxweynaha Faransiiska oo lagu martiqaaday shirka ,Xogyaha guud ee qaramada midoobey iyo Gudoomiyaha Midowga Afrika ay hadalo ka jeediyeen furitaanka shirkaasi.
Madaxweynaha Faransiika waxaa uu ugu baaqay Hay’ada Qaramada Midooobey in kursi joogto ah Afrika laga siiyo Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.
Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping ayaa furitaanka ka shegay inay taageero dhinac kasta ah ay diyaar ula yihiin Dowlada KMG ah Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa furitaanka ka hadlay Xoghayaha guud ee qarama da midoobay Ban moon kaasoo aad uga hadlay dhibaatada guud ahaan ka jirta qaarada Afrika gaar ahaan rabshadaha ka jira dalalka Tunis iyo Masar.
Dowladaha sii tiicaya ee dalalkaasi ka jira ayuu ugu baaqay inay shacabkooda u turaan islamarkaana aan dhibaato la gaarsiin dadka banaanbaxyada dhigaya.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com



