digg icon delicious icon

Shirka Madaxda Qaarada Afrika oo Beri ka furmaya Dalka Genie iyo madaxweyne shariif oo gaaray dalkaasi

June 29, 2011   //     //   News

Malabo(AB):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya Shariif Sh.Axmed ayaa gaaray xarunta wadanka Equatorial Genie ee Malabo halkaasoo uu shir uga furmayo madaxda qaarada afrika.

Shir madaxeedkaani waxaa lagu wadaa inay ka soo qeybgalaan madaxda qaarada afrika intooda badan iyadoo madaxweyne shariif oo ka dhoofay Muqdisho uu durba gaaray dalkaasi Gini.

Qodobada shirka looga hadli doono waxaa la sheegay inay ku jirto sidii wadamada afrika ay ciidamo u keeni lahaayeen Muqdisho iyo sidoo kale arimaha dhaqaalaha, amaanka, hormarinta dhalinyarada iyo iskaashiga wadamada qaarada Afrika.

Madaxwenayaasha afrika badankood oo lagu wado inay wada tagaan Dalka Equatorial Genie ayaa la filayaa inay khudbado ka jeediyaan shirkaasi taasoo ay ku soo qaadan doonaan qodobada shirka oo xooga lagu saarao arimaha afrika guud ahaan ka jira.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)