News

Shirkadda TTN oo horay u dhistay garoonka diyaaradaha Garoowe, ayaa maanta gudaha caasimadda Puntland ka bilowday dhismaha waddooyin 6 gaaraya.

Xaflad lagu shaacinayay mashruuca lagu dhisayo waddooyinka ayaa ka dhacay hoolka Jaamacadda Bariga Africa.

In kabadan $$168.800 ayaa ku baxaysa dhismaha waddooyinka, oo mid ka mid ah Laami laga dhigi doono, halka kuwa kale ay yihiin Jeey.

Shirkaddan oo Turkish ayaa dhammaan waddooyinkaas ku dhisay qaab Tabarucaad ah sida ay sheegeen maamulka degmada Garoowe.

Shidaalka kaliya ayay dalbadeen in lagu kabo si howshaas loo qabto.

Kulan dowladda hoose soo qaban qaabisay, ayaa sidoo kale lagu codsaday in kharashkaas lagu bixiyo qaab isku tashi ah.