digg icon delicious icon

Shirkii Afrika iyo Yurub ee Liibiya ka socday oo la soo gabagabeeyay

November 30, 2010   //     //   News

Taripoli (AB):-Wararka ka imaanaya Magaalada Tiripoli Xarunta Dalka Liibiya ayaa sheegaya in shirkii halkaasi uga socday Afrika iyo Madaxda Midowga Yurub maanta la iskula soo qaaday arimaha Soomaaliya.

Kulanka oo maalmahaan danbe socday islamarkaana Maanta la soo xirey ayaa waxaa laga soo qaaday xaalada Soomaaliya iyadoo uu Soomaaliya uga qeybgalay wasiirka arimaha Dibada Maxamed C/lahi Oomaar.

Soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa ayaa weyn shirka loogu lafa gurey inkastoo uusan ahayn arey ku cusub dhagaha dadka Soomaalida,waxaa shirkasi sidoo kale fadhiyay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nuur Cade oo mar ra’iisulwasaare ka soo noqday Dowladii C/laahi Yuusuf madaxda ka ahaa.

Waxaa si gaar ah looga hadlay arimaha Burcad badeeda Soomaalida iyo sidii wax looga qaban lahaa iyo sidoo kale sidii Dowlada Soomaalida gacan looga siin lahaa meelo kala duwan.

Mucarame Qadaafi Madaxwennaha Liibiya oo looga bartay inuu arimaha Burcad badeeda si weyn uga hadlo ayaa shirka ka sheegay in loo baahan yahay sidii arimahasi gacan looga siin lahaa Dowlada inkastoo uusan sidii looga bartay sheegin in burcad badeedu saxan tahay.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho

Readers Comments (0)