News

Shirkii Gollaha amniga Qaranka oo Moqdishu ka Furmay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Shirkan waxaa ka qayb galaya xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee qaybta ka ahaa shirkan ayaa iyaguna madaxda qaranka u soo bandhigay halka ay marayaan qorshayaasha dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xogta ku saabsan howlgallada socda ee dalka lagaga sifaynayo Alshabaab.