News

Shirkii Gollaha Haldoor oo lagu qabtay Boosaaso

Madasha Haldoor ayaa caawa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qabatay kulan loogu magac daray Ka soo qeyb galayaasha fagaaraha saddexaad ee Madasha Haldoor, kaas oo looga hadlayey “Hal-abuurka Ganacsiga”.

Kulanka waxaa lagu sheegay in dalku fursado badan leeyahay balse ay hoosayso fahamka laga haysto faa’iidada ganacsiga.

Goobta waxaa joogay oo dadkii la hadlay qaar kamid ah dadka ganacsiga ku bilaabay lacagta yar ee maanta haysata gancsiyada waaweyn.