Dhacdooyinka Puntland, News

Shirweyne Maamul loogu samaynayo Gobollada Dhexe oo ka furmay Magaalada dhuusa-mareeb

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa ka furmi doona shir ladoonayo in maamul loogu dhiso gobolada dhexe ee Wadanka Soomaaliya, kaasi oo ay hormuud katahay culimaa’udiinka Ahlsuna Waljameeca ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Sheikh Maxamed Mursal oo kamid ah culimaa’udiinka Ahlusuna ayaa usheegay mid kamid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho in maanta oo khamiis ah uu shirkaasi furmi doono uuna noqon doono miday aayohooda kaga tashanayaan dadka kunool gobolada dhexe.

Sarkaalkaan katirsan culimada Ahlsuna ayaa xaqiijiyey in xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya ay ka qaybgeli doonaan shirkaan maamulka loogu samaynayo gobolada dhexe ee Soomaaliya, laguna qaadacayo shir sharci darradda ah ee kasocda Cadaado.

Shirkaan ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kusoo beegmaya xilli degmada Cadaado ay qaar kamid ah beelaha dega gobolada dhexe ee Soomaaliya, maamul uga yagleelayso dowladda federalka ah ee Xamar.