digg icon delicious icon

Soomaali ku jirtay Xabsi Dalka Sacuudiga ku yaal oo gebi ahaantood baxsadeen

September 30, 2010   //     //   News

Riyad (AB):-ku dhawaad 200 Soomaali ah oo ay la joogaan Xoogaa yeminiyiin ah ayaa la sheegay inay ka baxsadeen xabsi ku yaal Magaalada Riyad ee Dalka Sacuudiga.

Soomaalida oo sida loo maleynayo Dowlada Sacuudigu dooneysay inay u soo tarxiisho dalmkooda hooyo ayay u suuragay inay dib ugu noqdaan meelihii ay ka xamaalan jireen.

Wakaalada wararka Dalka sacuudiga oo warkaani sheegtay ayaa intaasi ku dartay warkeeda in qaar ka mid ah ilaaladii xabsigaasi ay dagaal kala hortageen maxaabiistii baxsaneysay markii ay jabsheen albaabadii xabsiga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Dalka Sacuudiga ay ku howan yihiin baaadi goobka ay ugu jiraan maxaabiistii baxsatay.

Lama sida ciidamadu ku soo qaban karaan dad markii horeba la soo qabtay iyagoo howlahooda shaqo iska haysta ,islamarkaana si fiican u kala yaqaan daqiiqyada magaalada Riyad.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho

Readers Comments (0)