Soomaali laga soo tarxiilay Sacuudiga oo saaka ka soo degay Garoonka diyaaradaha Muqdisho
May 31, 2011 // admin // NewsMuqdisho (AB);-Waxaa saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho soomaai badan oo laga soo tarxiilay Dalka Sacuudga markii ay hore tahriib ugu galeen badankood.
Dadka saaka garoonka ka soo degay oo tiro ahaan gaarayay 120 ruux ayaa la sheegay in dhamaantood laga soo qabtay magalaooyinka kala duwan ee dalka Sacuudga kadibna xabsi lagu ururshay sidaana lagu soo wada saaray diyaarad.
Qaar ka mid ah dhalinyarada la soo tarxiilay ayaa saxaafada qaar u sheegeen in si dhib badan ay markii hore ku galeen dalka Sacuudiga markii ay tahriib dhanka Bada ah kaga gaeen dalka Yemen kadibna ay sacuudiga lug ku galeen.
“koley dhib badan oo aan galnay kadib hadana waa nala soo qabtay dalkeeniina nalagu soo celiyay sidaa daraadeed dhalinyarada Soomalida ee ku fikireysa inay Sacuudi u tahriibaan waxaan leeyahay dalkiina iska jooga”ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada la soo qabtay.
Si kasaba dhowrii biloodba mar ayaa la keenaa Soomaali badan oo laga soo tarxiilay dalkaasi iyadoo mararka qaarna ay dhacdo in dhowrkii maalmoodba mar ay timaado diyaarad wada soomaali la soo tarxiilay.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com



