digg icon delicious icon

Soomaali si xun loogu jir dilay xadka liibiya iyo Suudaan

June 30, 2011   //     //   News

Tahriibayaal Soomaaliyeed oo gaarayay 19 ruux ayaa dib ugu soo noqday Dalka Suudaan markii si xun loogu soo jir dilay xadka Suudaan iyo Liibiya.

Soomaalida oo qaarkood isbitaalka Caasimada Suudaan la dhigay ayaa si arxan daro ah waxaa u soo jirdilay dad u dhashay dalka Liibiya kuwaasoo dadkaani soomaalida ku qabtay halka ay iska galaan labadaasi dal kadib jir dil xoogan ayay u gaysteen.

Soomaalida oo markii hore ka safray Magaalada qartuum ayaa hada dib u soo noqday sida uu cadeeyay siihayaha safaaradda Soomaalida ee dalka Suudaan Ibraahim Guure Maxamed.

Dhibaato aan la qiyaasi karin ayaa dadkaasi ka soo gaartay safar dheer oo ay ku mareen saxarihii liibiya iyo suudaan u dhexeeyay kaasoo aad khatar u ah si aad uga badbaado iyadoon cidina wax ku dhimin balse markii Alle ka samara bixiyay ayaa waxaa qabtay liibiyaan xuduuda ku dhaqan kuwaasoo jir dil u gaystay Soomaalida ay qabteen.

Guud ahaan 19-kii tahriibayaasha ahaa ayaa hada lagu hayaa xero ciidamada Dowoada Suudaan ay leedahay oo ku yaal Magaalada Qartuum iyadoo kuwa darana isbitaal la dhigay.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com
 

Readers Comments (0)