News

Soomaaliland oo Boqor Buurmadow ku xukuntay Shan Sano

Boqor Cismaan Buur madaw ayay maxkamad kutaala Gobalka maroodi jeex ee Hargaysa ku xukuntay shan sano oo xarig ah.

Sida wararku sheegayan masuulkan ayaa xabsiga dib logu celiyay saaka kaddib markay maxkamaddu xukuntay, dhanka kale ma jirin wax qareen ah oo difaacayay Boqorka sida ay sheegayan wararka an ka helayno Magaalada Hargeysa.

Xariga Boqor Cismaan ayaa yimid kaddib markii uu dhawan ka qaybgalay Caleemo saarkii Beel-Daaje Maxamed oo ka dhacday Degmada Carmo oo ka tirsan Gobalka Bari, halkaas oo ay Somaliland sheegtay in uu kajeediyay hadalo meel kadhac ku ah Qarannimada Maamulkaas