News

Soomaaliya oo Si toos ah ula soo wareegtay Maamulka Hawada

Howshii xafiiska Nairobi ee laga maamuli jiray Hawada Soomaaliya ayaa maanta joogsan doono, iyadoo wixii maanta ka bilowda magaalada Muqdisho laga maamuli doono Hawada Soomaaliya.

Dhamaadkii sanadkii hore ayay aheyd markii la daah furay qalabka lagula socon doono maamulka Hawada Soomaaliya, wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa marxalado kala duwan soo maray howsha lagu soo wareejinayo Hawada Soomaaliya oo si tartiib tartiib u socday.

Hey’adda ICAO ayaa muddo 25 sano ka badan maamuli jirtay Hawada Soomaaliya, Xafiis ku yaalla Nairobi ayaa howsha laga waday