Articles

Soomaaliya waa beec ee imisaa lagu iibinayaa?

Baddenu waa 350 mayl (nautical mile) ee ma aha 12 mayl

Qof kasta oo aqrista ciwaankaan waxaa dhici karta in uu la yaabo oo is yiraahdo toloow maxuu qoraagu ula jeedaa ciwaaankaan. Laakiin xaqiiqda dhabta ah Dalkeenii hooyo waa iib ama Beec hadba kii aad isticmashid.

Maxaa daliil u ah in dalkeenu Beec yahay?

Waxaa la yiri maayd yaa u danbeeyey , saa la yiri kaa la sii sido. Inagoon meel kale ka doon doonin jawaabta wadankeenu waa Bad iyo Biri. Waxaan leenahay xeebta Africa ugu dheer, Allhamdulilah Ilahaay ayaa na siiyeey laakiin dadka Soomaaliyeed waay ku shukrin waayeen Nimcada Alle ku manaaystey. Baddeena khaayradka ku jiraa waa uu ka badan yahay dadka Soomaaliyeed oo dhan. Laakiin Nasiib daro dadka Soomaaliyeed aqoon ma leh, dhulkii (birigii) baay ku heshiin waayeen oo aaysan aqoon u lahaayn si loo munaafacsado Baddna iyada bal Hadalkeedaba daah.

Bilaawgii Muranka Badda iyo Heshiiskii Is Af-Garad

Dowladii uu Madaxweeynaha ka ahaa Mudane Shariif Sh. Ahmed ayaa Dowladda Kenya la gashay heshiis loogu magac daray is af-garad ama IS FAHAN, kaas oo muran lagu Galinayey Xuduudda Badda Soomaaliya. Heshiiskaan oo aay Dowlada Norway Wadatey ayaa waxaa gacan weeyn ka siisay Dowlada Turk shirkii ISTANBUL.

saxiixa_badda
Dowladdii KMG ee uu mdaxweeynaha ka ahaa Sheikh Sh Ahmed ayaa noqotey Dowlad Soomaaliyeed tii ugu horeeysey oo gasha heshiis Noocaan oo kale ah oo (muran lagu galinayo Xudduudaha Dalka Soomaaliyeed) .

Heshiiskaan waxuu yimi ka dib markii aay Dowladda Kenya heshiisyo hoose la gashay Dalal aay ka mid yihiin Dalka Norway. Norway iyo dalal kale oo badan ayaa shidaal iyo macdan ka baarayey Biyaha Soomaaliya intaay Soomaaliya Dowlad la’aanta ahaayd taas oo aay ka faaidaysteen Dowladaha dariska la ah Soomaaliya oo Kenya ugu horaayso. Shirkadahaays ayaa markaay ogaadeen in aaysan Kenya lahaayn dalka aay shidaalka ka baarayaan waxaay bilaabeen olole xoogaan oo aay ku doonayaan in aay Biyaha Soomaaliya qaayb ka mid ah hoos geeyaan dalka Kenya.

Tani waxaay u suurta gashay markii Dowlada Soomaaliya u saxiixday Kenya Heshiiskii is AF-GARAD oo muran gelinaya Xuddudka Badda Soomaaliya.Waxaa heshiiskii is AF_GARAD laalay bishii acotober 2011 , waxba kama jiraanna ka dhigay (NULL& AVOID) Baarlamaankii Soomaaliya ee KMG ahaa oo heshiis kaas si Geesinimo iyo wadaninimo ku jirto uga hor tagey. Qaramada midoobey ayaa tageertay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya.

Norway, Kenya iyo Dowladaha arintaan ka shaqeeynayey intaays kuma aaysan harin. Wakhtigii Soomaaliya loo sameeynayey Nidaamkii Roadmap-ka ayeey Norway iyo Kenya isku dayeen Dastuurka Soomaaliya in lagu soo daro inaaySoomaaliya leedahay 200 EEZ , 12 maayl badded balse nasiib wanaag waxaa cod isku hor taagey arintaan Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliya . Sidaas waxaa ku qeexan tahay war bixinta UN REPORTS: S/2013/413 ee soo baxday 12/07/2013 Boggeeda 249 iyo 250. Halkaan ka aqriso war bixintii oo kooban: http://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2013/413

Isla war bixinta waxaa lagu qoray shirkadaha kala duw duwan oo aay Kenya la gashay Heshiisyo iyo in hadii aay Soomaalidu aqbalaan in dhulbadeedkoodu yahay 12 Maayl (territorial water) aay Soomaaliya waayi doonto dhulbadeed aad u waayn Kenyana qaadan doonto dhul-baddedkaas.

Farqiga u dhexeeya EEZ, terrorial water iyo continential shelf?

Territorial water waa dhul-badeed soo hoos gelaya Xornimada (Sovereighty) Qaranka Soomaaliya oo dhaqaale iyo lahaansho labadaba Soomaali baa leh. Aagga dhaqalaha ee luuqada Ingiriiska loo yaqaan Exclusive Economic Zone (EEZ) waa dhul aad masuul ka tahay, khayradkiisana kala bixi kartid balse adigu si gaar ah uma lihid, waxaa kula leh wadamada dariska kula ah. Continential shelf (qalfoofka Qaaradda) waa wixii ka sii shisheeya 200 mayl-badded (beyond 200 nautical miles) taas oo lagu siyaadinayo ilaa 150 mayl-badded oo saaid ah. 2009 waxaa wadamada xeebaha leh loo ogolaaday in aay badsadaan Agga badda taas oo ah 200nm+150nm si loo gaarsiiyaan ilaa 350 mayl (nm). Sidaa darteed cabirka badeenu waa 350 mayl.Hadii dhul-badded keena laga dhigo 12 mayl waxaay taasi u dhigantaa in aaynu waayeyno 338 mayl-badded.

Hadaba Dhul baddedka wadanka Soomaaliya (territorial water) sida ku cad Law No: 37 waxaa weeye 200 (nm) mayl badded. 200 oo mayl baddeed waxay ku qorantahay Territorial waters (xadka Biyaha badda) ee kuma qora EEZ (Aagga dhaqalaha) sida aay hadalka u dhigayaan Dowladaha shisheeye ee raba hantidada dadka Soomaaliyeed in aay cidla ka qaataan. Law No:37 waa sharciga ilaa hada aay loodin waayeen Dowladaha shisheeye, hadii aaynan difaacina baddeena gabigeedaba waaynu waayi doonaa. Halkaan waxaad ka aqrisataa Sharciga Law NO: 37 oo soo baxay 1972. http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf Isagoo af-Soomaali ku turjuman: http://somalitalk.com/2011/badda/law_no_37.html

Heshiiskii is AF-GARAD oo dib u soo cusboonaaday

Dowlada hada jirta oo uu madaxda ka yahay Hassan Sh Mahamud ayaa misna dib u soo cusboonaaysiisay heshiiskii is AF-GARAD ee uu horay u diidey Baarlaamkii DKM ee Soomaaliya. Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya Fowsiya Yusuf Adan ayaa Dowladda Kenya dib ugu saxiixday heshiiskii is AF-GARAD ee badda Soomaaliya xuddudkeeda Muranka lagu galinayey.

Isla heshiiskaas ka dib bishii June , 6, 2013 waxaa xafiiska Raaysal wasaaraha Soomaaliya Abdi Farah Shirdon ka soo baxday go’aan lagu difaacayey Sharciga Badda Soomaaliya , Law No: 37 kaas oo dhigaya in Dhul-Baddedka wadanka Soomaaliya (Territorial water) yahay 200 mayl badeed ee uusan ahaayn 12 maayl Badded. Labo qodob oo aan go’aankaas ka soo xigtey baa saan u dhignaa: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf’’.Halkaan ka aqriso Go,aankii aay Dowladda Soomaaliya soo saartay 6/6/2013 : http://somalitalk.com/2011/badda/difaac95.html

Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga Soomaaliya oo burburinaya Law No:37

Sharci aay ku saxiixnaayeen Ra’’iisal wasaaraha Soomaaliya Abdi Farah Shirdon iyo wasiirka khayradka Dalka Soomaaliya Abdirisaaq Omar Mahamed oo loogu gol lahaa in uu noqdo sharciga cusub ee Kalluumaysiga Soomaaliya ayaa la hor geeyey Baarlamaanka Soomaaliya July 20, 2013. Qoraalkaas oo ka koobnaa 20 bog waxaa ku qornaa in dhulka biyaha Badda Soomaaliya yahay 12 mayl (nautical miles). Hadaba maxaa ka khaldan sharciga kalluumaysiga aay xukuumada Saacid shirdoon soo gudbisey? Sida ku cad qodobka 2-aad ee sharcigaan wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa sharcigii badda Soomaaliya ee Law No:37 ee la qoray 1972. Sharciga cusub ee kalluumaysigu waxuu biyaha Soomaaliya ku soo koobay oo kaliya 12 mayl, kaas oo si cad meesha uga saaraya in Soomaaliya baddedu tahay 350 mayl.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Shirdoon waaa uu ka laabtay Go’aankii sharciga badda Soomaaliya ee aay gareen june 6, 2013 ee ku ku xusnaa. Maxaa keenay in xukumadaani ka laabato go’aankii aay gaartey ee hore? Kenya iyo beesha Caalamku waxaay u muuqdaan in aay cadaadis xoog leh saarayaan DFS si aay uga tanaasulaan xeerka badda Soomaaliya Law No:37 oo dhigaya in dhul-baddedka Soomaaliya yahay 200 mayl. Sharcigaan Cusub ee kalluumaaysigu waa mid hoosaasin ah oo hadii Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyaan Soomaaliya ku waaynayso dhul-badded aad u waayn. Sharcigaan waa mid aay doonayaan Kenya iyo xulafadeeda oo garabsanaya DFS in aay diwaanka galiyaan in uu jiro Muran baddeed ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaayna badda Soomaaliya (territorial water) ku soo koobmaysaa 12 mayl.

Hada sidaa darted maxaa la gudboon baarlamaanka soomaaliya?

Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in aaysan ansixin sharcigaan Cusub, qodobka oranaya Biyaha Badda Soomaaliya waa 12 mayl in aay codsadaan in lagu badalo 200 mayl ama 350 mayl. Mida labaadna in la tirtiro qodob kasta oo ka hor imaanaya Law No 37. Waxaa kale oo ka codsanayaa Baarlamaanka Soomaaliya in aay Law No: 37 ku soo celiyaan dastuurka cusub ee Soomaaliya isagoo aan waxba laga badalin.

Sababaha keenaya in dalkeena shaqsiyaad gataan

Dadka Soomaaliyeed intooda badan waxaay ka fekeraan qabyaalad uun ee maawquf sii dheer ma leh. Soomaalida intooda badan waxaan ku qiyaasay dad indhoolayaal ah oo god-dheer oo mudgi ah ku jira. Hadii qof indhool ah god dheer oo mugdi ah lagu rido ma ka bixi kara? Jawaabtu waa maya. Soomaalidu waxaay ku jirtaa god-dheer oo mugdi ah. Waxaa ka luntay damiirtii wadaninimo iyo tii dadnimo. Dadnimo ma leh oo ma aaminsana in aay iyagoo Soomaali ah wax qabsan karaan . Kuli waxaay wax ka sugayaan nin asaagood ah oo shisheeye ah in uu u taliyo waxaay cuni lahaayeena siiyo.

Damiir ma leh oo wax wadaninimo ah kuma jirto. Damiir-laawe kasta oo hunguri xun rabana in uu dalka iyo dadka lacag dhaafsiisado waxaa hor boodaya koox (qabiil), kuwaas oo xaq iyo xaqdaraba ku garab-taagan. Shacabka Soomaaliyeed intooda badan waxaa dalkooda kala qiimo badan shaqsi waayo dadka Soomaaliyeed qabyalad baa indho tirtay. Inta shacabka Soomaaliyeed qareen (advocate) u yihiin damiir-laawayaasha Hunguriga xun wax xal ah lagama gaarayo arimaha Soomaaliya.. Waxaayna u badan tahay in Soomaalidu noqdaan sida Gypsy, sami ama kurdistanka.

Dad aan dal la ahaayn oo uduunka dhan la yaso. Ileen qofku dalkiisa buu qiimo , qaayo iyo sharaf ku leeyahaye. Waxa ugu yar oo aaynu ku faani jirney waa luuqadeena hooyo iyo dhaqankeena labadiiba waa la tirtirayaa. Waxaad ka garan kartaa dastuurkii Soomaaliya ayaa lagu qoray English iyo Turk luuqadeenii hooyana waa laga tirtiray soo markaays ma cada in aan nahay dad gadan oo waliba lagu raadinayo beec jaban. Hadii dastuurkii lagu qoray luuqado qalaad (shisheeye) see baay baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed u fahmayaan ileen Ingiriis iyo Turk midna ma nihine.

Aqristoow maxaa talo ah?

Ka waran hagbad ama shalongo ma galnaa oo dalkeena dib ma u soo iibsanaa intii belo iyo cadowgeeni gadan lahaayeen.

Mise dagaal cusub baaynu bilaawnaa oo arintaan ka dhan ah?

Yaaynu dagaalka ka bilaawnaa ma kan inaga mid ah ee wax gadanaya (saxiixaha) mise kan wax iibsanaya (shisheeyaha)? Mise waaynu iska sugnaa inta dalkeena hooyo oo Alle ina siiyeey horteena lagu kala iibsanayo.

Aqristayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoow idin kaan idin ka sugayaa jawaabta.

Muna Abshir Abdi
Munadecent@hotmail.co.uk